Caqabadaha Xog ururinta Soomaliyaa

Spread the love

Caqabadaha Xog ururinta Soomaliyaa

Dunida maanta, cagliga la farsameeyay (AI Artificial Intelligence) wuxuu noqday qalab awood badan u leh horumarka. Waxa uu caawiyaa daahfurka xalka dhibaatooyinka adag sida abaaraha, barakaca, caafimaadka, waxbarashada iyo amniga. Laakiin si AI loo horumariyo, xog (data) sax ah, tiro badan, oo tayo leh ayaa loo baahan yahay. Soomaaliya, sida waddamo badan oo Afrika ah, waxay wajahaysaa caqabado badan oo dhinaca xog ururinta ah.

Waa maxay sababta xog ururintu muhiim u tahay?

AI waa sida maskaxda bani’aadamka, balse si uu u shaqeeyo wuxuu u baahan yahay inuu wax barto, wuxuuna wax ka barta xogta. Haddii xogta laga hayo meel gaar ah ay tahay mid aan sax ahayn ama aan dhammeystirnayn, natiijooyinka AI-du waa qalad noqon karaan. Tusaale ahaan, haddii la doonayo in AI loo adeegsado saadaalinta barakaca dadka, xog la’aan ama xog aan sax ahayn waxay keeni kartaa in dadka u baahan gargaarka la gaari waayo waqtigii saxda ahaa.

Caqabadaha Xog ururinta Soomaaliya

1. Kala daadsanaan siyaasadeed iyo maamulka xogta
Soomaaliya waxay leedahay nidaam federaal ah oo ay ka jiraan khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo dawlad goboleedyada. Arrintan waxay adkaynaysaa in la helo nidaam qaran oo mideysan oo xog la isku halleyn karo laga ururiyo. Gobol walba wuxuu leeyahay hab u gaar ah, taasoo keeneysa in xogta la isku haleyn karin ama aan la wadaagin.

2. Dhaqaale xumo baahsan
Dowladda Soomaaliya waxay leedahay dakhliga ugu hooseeya Afrika. Canshuurta laga qaado shacabka ayaa ah ku dhowaad 2% GDP-ga, taasoo macnaheedu yahay in aysan jirin wax badan oo miisaaniyad ah oo lagu maalgeliyo hay’adaha xogta ama tababarka shaqaalaha. Tani waxay caqabad ku tahay horumarinta nidaamka xog ururinta casriga ah.

3. Hay’adaha caalamiga ah iyo xogta faraha badan
Hay’ado badan oo samafal iyo kuwa caalami ah ayaa ka shaqeeya Soomaaliya. Mid walba wuxuu ururiyaa xog u gaar ah iyada oo aan lala socon kuwa kale. Dadka wee ka daalaayaan xog ururin joogto ah, waxaa dhumaya kalsoonida shacabka, waxaana adkaanaya in xogaha la mideeyo ama la isku halleeyo.

4. Amni darro iyo deegaamo aan la gaari karin
Deegaannada qaar sida kuwa ay maamulaan Al-Shabaab ama ay ka jiraan dagaallo, waa kuwo aan la geli karin. Tani waxay keentay in xog badan laga waayo gobollo dhan, taasoo dhaawacaysa sawirka guud ee dalka.

5. Aqoon xumo dhanka tiknoolajiyada
Waxaa jirta baahi weyn oo loo qabo dad aqoon u leh xog ururinta, kaydinta, iyo ka shaqeynta AI. Dugsiyada iyo jaamacadaha Soomaaliya weli kuma filna bixinta xirfadaha cusub ee loo baahan yahay si loogu shaqeeyo AI ama xogta la xiriirta. Inkasta oo dad aqoon u leh ay jiraan, su’aasha weli taagan waa: ma helayaan fursad ay ku dhaqan geliyaan xirfadooda?


Laakiin Maxaa La Qaban Karaa? Fursadaha Hore ee La Qaadi Karo

Inkastoo caqabadaha ay badan yihiin, Soomaaliya weli waxay leedahay fursado badan oo laga faa’iideysan karo si tartiib tartiib ah loogu diyaar garoobo AI iyo xog ururin tayo leh. Mid ka mid ah fursadaha ugu wanaagsan waa waxbarashada.

1. Wax ka baro AI-da iyo xogta Online iyo Offline
Waxaa jira mareegyo badan oo af-Ingiriis iyo qaar af-Soomaali ah oo ka hadlaya sida AI u shaqeyso, sida xogta loo habeeyo, iyo sida loo kobcin karo xirfadaha cusub. Tusaale ahaan, mareegta ai-somalia.com waxay bixisaa maqaalada iyo warbixino af-Soomaali ah oo qof walba fahmi karo.

2. Akhris iyo wacyigelin joogto ah
Qoraallada sida tan aad hadda akhrineyso waa talaabo weyn. Marka bulshada fahanto muhiimada xogta iyo AI, waxay noqon kartaa awood cusub oo lagu xalliyo dhibaatooyinka jirta. Waa in la dhiirrigeliyaa warbaahinta maxalliga ah (sida Hiiraan Online) in ay sii wadaan wacyigelinta bulshada ee ku saabsan teknoolajiyada cusub.

3. Dhallinyarada inay bartaan xirfadaha xogta
Jaamacadaha Soomaaliya iyo xarumaha tababarka waa in ay bilaabaan koorsooyin ku saabsan xog ururinta, data science, iyo AI. Waxaa sidoo kale la dhisi karaa is-kaashi u dhexeeya hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah si tababaro bilaash ah loogu bixiyo dhallinyarada.

4. Xiriir ka dhexeeya dowlad iyo shacabka
Haddii dadku aaminaan in xogtooda si ammaan ah loo kaydinayo oo loogu adeegayo danahooda, waxay si fudud u ogolaanayaan in xog laga ururiyo. Waxaa muhiim ah in dowladdu ay dajiso siyaasado cad oo ku saabsan asturnaanta xogta iyo cidda isticmaali karta.

5. Tijaabi xalal yar-yar oo maxalli ah
Ma aha in la sugo nidaam qaran oo buuxa. Xalal yaryar, sida mashruuc xog ururin ah oo ka bilaabma hal degmo, ama isticmaalka AI si loo ogaado baahiyaha beeraleyda deegaanka, waa lagu bilaabi karaa. Tusaale ahaan, mashruucyo hore ayaa laga hirgeliyay gobolka Shabeellaha Hoose si AI loogu isticmaalo saadaasha roobka iyo goorta la beerto.

Xog la’aanta Soomaaliya ma aha mid la iska indho tiri karo. Waa caqabad dhab ah, laakiin sidoo kale waa fursad weyn. Qof kasta wuxuu door ka ciyaari karaa ha noqdo macalin, arday, wariye ama shaqaale NGO. Mar kasta oo aynu wax badan barano, si wanaagsan isugu xirno, una dhisno kalsoonida dadweynaha, waxaan si tartiib tartiib ah u dhiseynaa aasaaska horumarka AI ee Soomaaliya.

Waa waqtigii aan ka fikiri lahayn sida aan u heli lahayn xogta saxda ah, si aan u horumarino dalka, si aan dhibaatooyinka u aragno ka hor inta aysan dhicin, una adeegno dadkeenna si cilmiyeysan oo casri ah.

Inkastoo aan horey uga hadalnay xog la’aanta Soomaaliya, waxaa jirta dhinac kale oo muhiim ah: xog badan waa la ururiyaa, balse wexe gacanta ugu jirtaa dadka shisheeye. Hay’ado caalami ah iyo NGO-yo waa kuwa ugu badan ee xog ururiya, kaydiya, kana faa’iideysta. Laakiin dadka Soomaaliyeed, dowlad iyo shacab, badankood ma la socdaan iyo oggolaansho ku saabsan xogtaas.

Waxaa jira caqabado dhowr ah:

  • Xogta lama wadaago: Xogta la ururiyo waxaa loo isticmaalaa warbixinaha deeq bixiyeyaasha, balse laguma soo celiyo bulshada ama cilmi-baarayaasha maxalliga ah.
  • Shacabka xogtooda ma maamulaan: Dadka xog laga ururiyay ma oga meel ay tagtay, cidda haysa, ama ujeeddada loo adeegsanayo. Tani waxay dhaawacdaa kalsoonida.
  • Dowladdu ma leh nidaam adag oo ilaalin kara xogta shacabka, inkastoo sanadkii 2023 la meel mariyay “Xeerka Ilaalinta Xogta” (Data Protection Act), iyo hay’ad cusub oo la yiraahdo Data Protection Authority (DPA).

Maxaa la qaban karaa?

  1. Xogta ha noqoto mid bulshadu leedahay Waxaa suuragal ah in la dhiso “data-cooperatives”, oo ah kooxo dadweyne ah oo si wadajir ah u kaydiya, u maarayn kara, ugana faa’iideysan kara xogtooda.
  2. Jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baarista maxalliga ah waa in la xoojiyo, laguna dhiirrigeliyaa in ay xog u ururiyaan dadka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya hay’ado caalami ah.
  3. Hay’adaha samafalka waa in lagu qasbaa in ay xogtooda la wadaagaan dowladda iyo shacabka, iyada oo loo marayo nidaamyo.
  4. Wacyigelin: dadka waa in la baraa xuquuqdooda xogeed yaa u fasaxaya? yaa adeegsanaya? maxaa lagu qabanayaa?

Ugu dambeyn: waa inaan ogaano in AI iyo xog ururintu aysan ahayn arrin farsamo oo keliya, waa arrin la xiriirta awood, hanti, iyo mustaqbal. Haddii aanan maanta xaq u yeelan xogteenna, berri lama arki doono natiijooyin anaga dan noo ah.

Ma qabtaa su’aal, fikrad ama mashruuc aad rabto inaad nala wadaagto? Waxaan jeclaan lahayn inaan kula xiriirno ama nala soo xiriir. Comment, like and share sidaan dadkeena wax uu barno.

Sido kale akhriso: Hub Aan Dadku Maamulayn: Soomaaliya iyo Halista AI-da Dagaalka

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top