Sababta Caruurta Soomaalida ee Qurbaha uu Autism ku Badan Yahay

Sababta Caruurta Soomaalida ee Qurbaha uu Autism ku Badan Yahay

Sababta Caruurta Soomaalida ee Qurbaha uu Autism ku Badan Yahay: Falanqeyn Cilmiyeysan

Autismka iyo Carruurta Soomaaliyeed ee Qurbaha

Autismku waa xaalad saameysa horumarka maskaxda ilmaha, waxaana lagu arkaa carruur badan dunida oo dhan. Guud ahaan, qiyaastii 1% ilaa 2% carruurta caalamka ayaa laga helaa astaamaha autismka. Laakiin marka la eego carruurta Soomaaliyeed ee ku nool dalalka reer galbeedka, tiradu aad bay uga badan tahay mida caalamiga ah.

Tusaale ahaan:

  • Minnesota, Mareykanka: Hal ka mid ah 16 carruur Soomaali ah ayaa laga helaa autism (6.25%) (CDC, 2023).
  • Sweden: Carruurta Soomaaliyeed ayaa 5 jeer u badan marka loo eego carruurta kale ee dalkaas (Barnevik-Olsson, 2008).
  • UK: Tirada ciyaalka Soomaaliyeed Autism ku dhaco wee soo badanayaan (King’s College London, 2021).
  • Netherlands (Nederland): Carruurta Soomaaliyeed waxay saddex jeer ka badan yihiin tirada guud ee dalka (Vergeer et al., 2022).

Su’aasha muhiimka ah waa: maxaa keenaya kororka autism-ka ee carruurta Soomaaliyeed ee qurbaha?

Cilmi-baarisyo badan waxay tilmaamayaan dhowr sababood:

  • Heerarka hoose ee fitamiin D, oo muhiim u ah horumarka maskaxda.
  • Nolosha adag ee qaxootinimo, taas oo keenta walwal joogto ah, gaar ahaan hooyooyinka uurka leh.
  • Kala duwanaanta dhaqan iyo fahamka cudurrada, ayaa keeni karta in astaamaha autismka aan si sax ah loo garan, taasoo sababi karta in ilmaha uu waayo caawimaad marka uu u baahan yahay.

Soomaaliya vs. Qurbaha

Gudaha Soomaaliya, autismka, gaar ahaan noocyadiisa culus sida ilma aan hadlin ama si buuxda u go’doonsan, aad ayuu u yar yahay marka loo eego sida loo arko qurbaha. Laakiin muhiimaddu waxay tahay in aysan jirin baaritaanno cilmiyeed oo dhab ah oo lagu sameeyay carruurta Soomaaliyeed gudaha dalka.

Waxaa suuragal ah in autismku jiro, xitaa haddii uu aad u yar yahay, balse:

  • Ma jiraan qalab iyo khubaro si rasmi ah u baaraya ama u aqoonsanaya xaaladda.
  • Calaamadaha uu ilmuhu muujiyo sida kelinimo ama hadal-yari, badanaa waxaa si dhaqameed loo fasiraa: “wuu amuusnaan badan yahay” ama “wuu deggan yahay.”

Sidaas darteed, xaaladda autismka ee gudaha Soomaaliya lama barbar dhigi karo tan qurbaha, maadaama labada meel midna aysan hayn xog cilmiyeed iyo adeegyo isbarbardhig lagu samayn karo.

Sababaha La Xaqiijiyay

Hoos u dhaca fitamiin D

Daraasado badan ayaa muujiyay in hooyooyinka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ay leeyihiin fitamiin D aad u hooseeya, gaar ahaan hooyooyinka dhalay carruurta qaba autism.

Cilmi-baaris Swedish ah (Fernell, 2015) waxay sheegtay in hooyooyin badan oo Soomaaliyeed ay lahaayeen fitamiin D ka yar 25 nmol/L, taas oo ah heer aad u hooseeya. Qaar ka mid ah xitaa waxay ahaayeen wax ka yar 10 nmol/L, heer aad u daran, xitaa mararka qaar aan la cabbiri karin. Waxaa la dhihi karaa jirka wax fitamiin D ah lagama helin.

Maxaa sababa in fitamiin D uu sidaas u yaraado?

  1. Maqaarka madow wuxuu si adag u nuugaa qorraxda. Dadka maqaarka madow leh waxay u baahan yihiin qorrax badan si ay fitamiin D u sameeyaan. Hadi Kale fitamiin D qaataan joogto.
  2. Dumarka Soomaaliyeed waxay xirtaan dhar daboolan, taas oo ka hortagta in qorraxdu gaarto jirka.
  3. Qorraxda looma baxo sababtoo ah cimilada qabow, guriga joogitaan badan, iyo xaalado nolasha aa ba saas iska ah.
  4. Cuntada Soomaalida ee qurbaha, sida kalluunka dufanka leh, ukunta, ama cuntooyinka la xoojiyay (fortified food) oo aan si joogto ah loo cunin. Soomali badan caano xitaa maba cabbaan.

Soomaalida vs. qowmiyadaha kale

Qaxootiga kale sida Itoobiyaanka ama Iraaqiyiinta way la kulmaan fitamiin D yaraantiisa. Iyo ayaga xitaa Autism-ka wuu ku dhaca ciyaalkooda, laakiin Soomaalida ayaa ugu daran marka la eego carruurta autism-ka leh.
Waxyaabaha arrintaas sababaya waxaa ka mid noqon kara:

  • Dharka Soomaaliyeed oo si buuxda u daboola jirka, marka la barbardhigo dharka qoomiyado kale.
  • Hab nololeedka oo aan fursad badan siin qorraxda.

Jiilka cusub: dhibka wuu socdaa

Arrintan kaliya ma saameyso dadkii hore ee qaxootiga ahaa. Xitaa jiilka cusub ee Soomaalida ah ee qurbaha ku dhashay ama ku soo koray, hooyooyinkaas waxay weli leeyihiin fitamiin D aad u hooseeya. Marka la eego, carruurtooda iyaguna waxay la kulmaan autism, taasoo muujineysa in dhibkani weli taagan yahay waa wax aan isbedelin jiilba jiil.

Sidaas darteed, fitamiin D waa deficiency ama hooseeso waa dhibaato joogto ah, oo u baahan in si gaar ah loo eego, maadaama ay wax weyn ka bedeli karto caafimaadka ilmaha.


Isku darka Sababaha: Maxaa kale oo saameeya autismka?

Ma Vitamiin D Kaliya?

Inkasta oo hoos u dhaca fitamiin D uu yahay arrin muhiim ah oo si toos ah loola xiriiriyo autism-ka carruurta Soomaaliyeed ee qurbaha, haddana lama dhihi karo waa sababta kaliya. Waxaa jira hooyooyin Soomaaliyeed oo ay heerka fitamiin D ee jirkooda aad u hooseeyay xilliga uurka, tusaale ahaan 25 nmol/L ama ka yar, balse haddana dhalay carruur caafimaad qaba, qaarna xitaa aad u caqli badan.

Waxaa kaloo jira hooyooyin ay xilliga uurka si daran u xanuunsanaayeen, aan wax fiican cunin, aadna u tabar yaraa, laakiin si joogto ah u isticmaalayay xaba sawda (nigella sativa), kuwaas oo carruurtoodu noqdeen kuwo aad u horumarsan ama caqli ahaan ka sareeya ciyaalka caadiga ah.

Qaar ka mid ah hooyooyinkaas waxay isticmaaleen doses sare oo xaba sawda ah, iyagoo sheegaya in ay dareemeen koror difaaca jirka, iyo dareen wanaagsan inta lagu jiro uurka iyo marka nuujinta cunuga. Inkasta oo cilmi-baaris rasmi ah aan wali si buuxda loo sameeyn, haddana xogaha ay keeneen hooyooyinka Soomaaliyeed runtii waa kuwo mudan in la sii baaro. Xaba sawda waxa ku jira wax la yirahdo Thymoquinone, waa maaddo dabiici ah oo si gaar ah uga shaqeysa ilaalinta maskaxda iyo horumarkeeda. Waxaa laga yaabaa in ay door ka ciyaarto koritaanka maskaxeed ee ilmaha.

Waxaa suurtagal ah in:

  • Xaba sawda ay leedahay saameyn difaac-dhis ah oo ka hortagta dhaawaca maskaxda ilmaha
  • Ama ay gacan ka geysan karto ka hortagga stress-ka uurka iyo saameynta epigenetics. Epigenetics waa cilmiga eegaya sida nolosha hooyada: sida cunto, walwal, caafimaad iyo deegaanka ay u beddeli karto hidde-sideyaasha ilmaha, xitaa haddii aan la beddelin DNA-ga laftiisa.

Ma suuragalbaa in aan helnay furaha carruurta caqliga badan?

Waa su’aal xiiso leh: haddii xaba sawda xitaa hooyo nafaqo xumo uu mararka qaar dhaliso ilmo caqli badan, waxaa laga yaabaa inaan u baahanahay in aan dib u eegno fahamkeena caadiga ah ee uurka iyo korriinka ilmaha. Wax kasto neh waa Xagge Allaah.

Laakin saan hore uu dhahnay dhibatada kuma koobna hal sabab, sida fitamiin D kali ah, balse waa isku-dar ah arrimo badan: caafimaad, nafaqo, cunto, xasillooni nafsiyeed, stress, deegaanka, iyo hidde-sidaha labadaba hooyo iyo aabbe.

Autismka kaliya laguma eedayn karo hal sabab, sida fitamiin D yaraanta. Waxaa jira sababo kale oo cilmi-baaris lagu ogaaday in ay door weyn ku leeyihiin.

1. Ilmaha Koowaad

Daraasad la sameeyay (Bilder et al., 2013) waxay muujisay in carruur badan oo leh autism ay yihiin ilmaha koowaad. Qiyaastii 60% carruurta autistiga ah waa kuwa ugu horreeya ee hooyadood dhasho.

Tani waxay keentay in la is weeydiiyo:

  • Uurka ugu horreeya waxaa laga yaabaa in uu ugu nugul yahay culeyska jirka, nafaqo xumo, ama walwalka hooyada.
  • Hooyada weli waa cusub xagga uurka, markaasna isbeddellada jirka iyo nafaqada ay u baahan tahay aa ka duwan.

2. Xilliga Uurka ee Jiilaalka

Cilmi baaris kale (Lee et al., 2020) waxay ogaatay in carruurta lagu dhalay xilliga jiilaalka qabow ay 30% u badan yihiin in ay yeeshaan autism marka loo eego carruurta lagu dhalay xilliyada kale.

Sababta?

  • Jiilaalka waxaa yaraada qorraxda, taasoo keeneysa fitamiin D yar.
  • Qabowgu wuxuu keeni karaa cunto xumo, dhaqdhaqaaq la’aan, iyo walwal (stress).

3. Stresska Hooyada xilliga Uurka (Qaxootinimada)

Daraasad kale (Kinney et al., 2008) waxay muujisay in hooyooyinka qaxootiga ah ee la kulma walwal, culeys nololeed, ama cabsi joogto ah, ay jirkoodu sii daayo hormoon la yiraahdo cortisol. Hormoonkan oo xad dhaaf ah wuxuu saameyn ku yeelan karaa maskaxda ilmaha uurka ku jira.

Tusaale:

  • Hooyo cabsaneeyso, niyad-jabsan, ama leh walwal joogto ah, waxay kordhin kartaa khatarta in ilmaheeda uu yeesho autism.

4. Walwalka Hooyada: Qaxootinimo Kaliya Maaha

Runtii, hooyooyin badan waxay la kulmaan walwal gudaha qoyska ah, sida:

  • Cadaadis ka yimaada sayga (aabbaha ilmaha)
  • Dhibaatooyin ka yimaada soddohda, soddogga, ama xaasaska kale (xaas labaad iwm.)
  • Dareen la’aan, keligood ahaansho, iyo la’aanta taageero nafsiyeed

Waxaa sidoo kale jirta arrin kale oo muhiim ah:

Hooyooyinka Soomaaliyeed waxaa aad loo daryeela marka uur la sheegto iyo marka la umulo, laakiin marka ilmaha dhasho, dareenka iyo daryeelka hooyada wuu yaraanayaa.

Hooyo kastaa waxay u baahan tahay taageero nafsiyeed iyo degganaansho maskaxeed si ay ilmaheeda u siiso jacayl, kalgacayl, iyo ciyaar, kuwaas oo lagama maarmaan u ah horumarka maskaxda ilmaha.

Marka ilmaha dhasho maxaa dhacaya?

Qoysas badan oo Soomaaliyeed waxay u haystaan in ilmaha u baahan yahay:

  • Caano ama cunno
  • Dhar nadiif ah
  • Hurdo

Laakiin waxa dhiman:

  • Cunaga lala hadlo
  • Ciyaar
  • Kalgacayl toos ah, mac iyo hab badan la siiyo.

Haddii ilmuhu uusan helin daryeel xagga dareenka ah, maskaxdiisa si buuxda uma kobcayso, taas oo mararka qaar keeni karta dib u dhac dhinaca is-fahamka, hadalka, iyo xiriirka bulshada.

Sidoo kale, ma jiro wacyigelin ku filan oo ku saabsan postnatal depression (walwalka ama niyad-jabka hooyada dhalmada kadib). Hooyooyin badan waxay la kulmaan xaalad adag laakiin aan cidina fahmin ama ka hadlaynin. Taas oo keenta in aanay helin caawimaad ay u baahnaayeen.


Qaar ka mid ah Fikradaha Cusub

Microbiome-ka: Xiidmaha iyo Cuntada

Microbiome-ku waa bakteeriyada faa’iidada leh ee ku jirta caloosha ilmaha iyo dadka weeyn. Waxay door weyn ka ciyaaraan horumarka maskaxda.

  • Caano geel oo laga helo Soomaaliya waxa ka buuxa bakteeriyo wanaagsan.
  • Cuntooyinka qurbaha sida nacnaca, rootiga cad, iyo cabitaanada sonkorta leh waxay dhaawici karaan microbiome-ka.
  • Ilmo aan helin bakteeriyo faa’iido leh wuxuu halis ugu jiraa dhibaatooyin xagga maskaxda ah, sida autism.

Epigenetics: Nolosha Hooyada iyo Hidde-sidaha Ilmaha

Epigenetics waa sida nolosha hooyada iyo aabbaha ay u saameyn karto hiddo-sidaha ilmaha.

  • Hooyo walwalsan ama qaxooti ah waxay ilmaha u gudbin kartaa isbeddel ku dhaca hidde-sidaha.
  • Tusaale: Carruurtii Holocaust berrigi dagaalki labaad waxay muujiyeen isbeddel la mid ah kan lagu arkay carruurta qaxootiga ah maanta.

Cuntada Qurbaha iyo Autism-ka

Qaar ka mid ah cuntooyinka Soomaalida (sida canjeelada) waxay leeyihiin probiotic, taasoo caafimaad u leh caloosha iyo maskaxda ilmaha.

Cuntooyinka sonkorta badan iyo warshadaysan waxay kordhiyaan halista autism.

Fiitamiin A

Cilmi-baaris ayaa muujisay in haweenka leh hoos u dhac daran oo fitamiin A ah xilliga uurka ay halis ugu jiraan in ilmahoodu la kulmo isbeddello ku yimaada horumarka maskaxda. Gaar ahaan bilaha ugu horreeya ee uurka, tani waxay sababi kartaa dhibaatooyin la xiriira aragga, xasuusta, ama xitaa dabeecadda bulshada — kuwaas oo lala xiriiriyay xaalado ay ka mid yihiin autism. Waxaa laga yaabaa in tan ay sidoo kale khuseyso hooyooyinka Soomaaliyeed.

Sida Loo Yareyn Karo Halista Autismka

Fitamiin D:

  • Ku talagalka 2000 IU maalin kasta hooyada uurka leh (Holick, 2011)
  • Wacyigelin ku saabsan muhiimadda qorraxda

Cilmi-Baarista:

  • Baarista carruurta Soomaaliya vs. qurbaha
  • Fiirista saamaynta dhaqanka cuntada iyo fiitamiinada

Doorka aabbaha sidoo kale waa muhiim. Cilmi-baarisyo ayaa muujinaya in tayada shahwada iyo heerarka fitamiinada sida vitamiin D, zinc, selenium, iyo B12 ay si toos ah ugu xiran yihiin caafimaadka ilmaha. Isbeddellada epigenetics-ka ee ku dhaca shahwada aabbaha ayaa lagu arkay inay u gudbaan ilmaha, taas oo saameyn kara maskaxda iyo korriinka ilmaha (Jenkins et al., 2016; Soubry et al., 2014).

Sidaas darteed, labada waalid waa in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan hagaajinta heerarkooda nafaqo kahor iyo inta lagu jiro uurka. Tani waa tallaabo muhiim ah oo lagu yareyn karo halista cudurrada horumarka maskaxda sida autism-ka.

Ogeysiis Muhiim ah

Maqaalkaan waxaan u qoray hooyo Soomaaliyeed oo sheegtay in aan cid si dhab ah uga hadlin autism-ka carruurta Soomaaliyeed. Waxaan isku dayay in aan mowduucan si daacad ah u baaro, anigoo adeegsanaya cilmi-baarisyo iyo xog laga heli karo internetka.

Ujeeddadaydu waxay ahayd in aan billaabo wacyigelin iyo dood furan, si hooyooyin kale iyo cilmi-baarayaal ay arrintan si qoto dheer u sii eegaan.

Websiteskaan ka waxaad ka akhrisan kartaa cilmi-baaris dheeraad oo kusaabsan mowduucan.

Hoos waxaad ka heli doontaan fiidiyowga hooyada igu dhiirrigelisay qoraalkan. Waa fiidiyow murugo leh, balse dhab ah. Waxa uu matalayaa dareenka hooyooyin badan oo aan codkooda la maqal, balse ay la kulmaan dhibaato la mid ah tan.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *