About

Ku Soo Dhawoow SomaliFutures – www.ai-somalia.com

Anigu waxaan ahay Soomaali ku nool Yurub, waxaanan si weyn u xiiseeyaa teknoolojiyadda cusub, gaar ahaan Caqliga la Farsameeyay (AI). Waxaan billaabay boggan si aan dadka Soomaaliyeed ugu fududeeyo fahamka teknoolojiyadda, meel kasta oo ay joogaan.

Waa maxay Caqliga la Farsameeyay (AI)?


Caqliga la Farsameeyay waa maskax kombiyuutar lagu sameeyay, waxay wax akhridaa, jawaab celisaa, waxayna ka caawin kartaa dadka go’aan qaadasho iyo shaqo fududeyn.

Eraygan “Caqliga la Farsameeyay” waxaa si rasmi ah u hindisay Ahmed Yasin Soyaan, qoraa Soomaaliyeed oo hormuud ka noqday sidii Af‑Soomaaliga loogu heli lahaa tarjumaad sharaf leh oo u dhiganta Artificial Intelligence.

Ma aha eray aan kaliya adeegsanno, waa astaan muujineysa in Soomaali ay xaq u leedahay in ay afkeeda ku hormarto.

2020 ilaa 2023, waxaan la shaqeynay shirkado iyo ganacsato si aan ugu sheegno teamkeeyga iyo aniga muhiimadda teknoolojiyadda iyo AI. Waxaan diiradda saarnay wacyigelin iyo talo siin ku saabsan sida mustaqbalka looga faa’iideyn karo teknoolojiga.

Hadda, waxaan diiradda saarnay qorista iyo wadaagista xogta: warbixinno, tusaalooyin, su’aalo la jawaabay, iyo hagayaal ku saabsan sida dadka caadiga ah uga faa’iideysan karaan AI.

Waxaan diiradda saaraa:

  • Arday wax baranaya
  • Beeraley doonaya xog ku saabsan deegaanka ama suuqyada
  • Ganacsato raba iney wax horumariyaan
  • Qof kasta oo raba inuu fahmo mustaqbalka

Qoraallada aan bixiyo waxaa iiga caawiya AI, si aan si fudud, toos ah, una turjuman luqadda Af‑Soomaaliga – dadka oo dhan si ay u fahmaan.

Himiladeydu waa:
Ma sugeyno berri, aan maanta fahamno teknoolojiyadda, si aan berri uga faa’iideysano.

Haddii aad rabto in aad wax ka barato AI, ama aad rabto in aad fahanto sida teknoolojiyadda nolosha u beddeli karto, la soco SomaliFutures ama ai-somalia.com.