In amniga ee Soomaaliya laga dhaqan geliyo Caqliga la Farsameeyay (Artificial Intelligence) AI waxay u baahantahay qorshe laga taxaddaray Iyo hubin lagu sameeyo dhaqan gelintiisa, si adeegsag nidaamka AI uu u noqdo mid ixtiraamaya nabad gelyada iyo arrimaha gaarka u ah muwaadhinka. Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah habka iyo anshaxa looga baahanayahay in loo maro adeegsiga Caqliga La Farsameeyay (AI) ee waaxda amniga ee Soomaaliya.
- In la sugo ama la xaqiijiyo Hufnaan: Waxaad hubisaa in nidaamka AI iyo adeegsigiisa ee waaxda amniga uu yahay mid hufan oo aysan dad-weynaha waxba kaga qarsooneyn (transparency). Waxaana loo baahanyahay in muwaadhiniinta ay ka warqabaan sida AI loo adeegsanayo iyo xogaha ay tahay in la ururinayo iyo kuwa la baarayo ama la daraaseynayo.
- Ilaalinta waxyaabaha gaarka u ah shakhsiyadda muwaadhiniinta: waxaa loo baahanyahay dhaqan gelinta nidaam xoog badan oo lagu ilaaliyo xogaha, si loo xaqiijiyo inaan xogaha shakhsiga ah ee muwaadhiniinta loo adeegsan si xun ama aan habooneyn, ama aan lala wadaagin dhinacyo aan loo oggoleyn.
- Dhaqan gelinta hab amni oo munaasab ah: Dhaqan gelinta qaabab amni oo looga hor joogsanayo duulaanka Cyber-ka si looga ilaaliyo nidaamka Caqliga La Farsameeyay (AI) inay soo gaaraan dhincyo aan rukhsad loo siin.
- Inuu jiro isla-xisaabtan dhab ah: La xisaabtan dhinacyada mas’uulka ka ah, ee xagga anshaxa adeegsiga nidaamka AI. Iyadoo la sameynayo hab loo raacayo adeegsigiisa, iyadoo la hubinay in la raaco habkaas.
- Sameynta qiimeyn joogta ah oo qaabeysan: In la sameeyo si qaabeysan qiimeyn joogta ah oo lagu hubinayo in AI si hab-sami ah u shaqeynayo sidii loogu talo galay iyadoo aysan waxba kaga xumaaneyn muwaadhiniinta.
- Ka qeyb qaadshada Deneeyeyaasha: In laga qeyb geliyo Daneeyeyaasha, sida; Bulshada Rayidka ah, kooxaha xuquuqul insaanka, iyo dadka deegaanka ah, qorshayaasha iyo dhaqan gelinta nidaamka AI. Tani waxay gacan ka geysaneysaa si la hubo in nidaamka loogu dhaqmo hab ixtiraamaya muwaadhiniinta xuquuqdooda iyo baahidooda.
- Hubinta ah inay jiraan dad indhaha ku haynaya: Waa in si hubanti ah aad ogtahay in nidaamka AI uusan ahayn mid si buuxda u madaxa bannaan, sidaas aawadeedna ay tahay inay jiraan dad la socda oo indhaha ku haya isticmaalkiisa. Inay dad indhaha ku hayaa ama la socdaan nidaamka AI waxay ka caawineysaa ka hor tagga laxinka, ama inuu dhinac u iisho inta lagu gudo jiro marxaladda go’aan-sameynta ee nidaamka AI.
Noocyada nidaamyada Caqliga Farsameysan ee aan ka dhaqan gelin karno Soomaaliya:
Waxaa jira noocyo badan oo ah nidaamka caqliga farsameysan oo loo isticmaali karo si loo sugo amniga Soomaaliya, iyadoo taasi ay ku xirantahay si xaddidan dhibaatooyinka amni ee jira ee u baahan in la wajaho ama wax laga qabto. Waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa tusaalyaal xoogaa ah:
Nidaamka Ilaalinta (Surveillance/muraaqaba/indho-ku-hayn): Caqliga Farsameysan (AI) waxaa loo adeegsan karaa nidaamka-ilaalinta (Surveilance) ama la socoshada meelaha sida; xudduudaha, dekedaha, iyo dhismayaasha kaabayaasha ah.
Nidaamyadan waxaa loo adeegsan karaa kaamirooyinka video-ga, diyaaradaaha aan duuliyaha lahayn, iyo qalabka wax dareema (sensors) si loogala socdo dhaqdhaq-yada laga shakiyo. Waxaa iyadana suuro gal ah in la adeegsado aalad lagu daraaseynayo algorithams si loo aqoonsado xaaladaha loogana digo shaqaalaha amniga cabsida amni ooweyn iyo waxyaabaha la filayo inay dhici karaan.
Falaqeynta ama ka baaraan degga saadaasha: Falaqeynta ama ka baaraan degga saadaasha ayaa loo adeegsan karaa si loo aqoonsado qaababka iyo is bedellada xogaha la xiriira dhacdooyinka amniga. Tusaale ahaan, iyadoo la adeegsanayo mishin ama aalad lagu daraasadeynayo, algorithmas baa la adeegsan karaa si baaris cilmiyeysan loogu sameeyo xogaha la xiriira fal-danbiyeedyada iyo saadaasha meelaha ay dhici karto inay fal-danbiyeedyo ka dhacaan mustaqbalka. Xogtaan waxaa loo adeegsan karaa qooneynta agabka iyo shaqaalaha si ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah.
Ogaanshaha Handdadaad: Nidaamka Caqli Farsameysan waxaa loo adeegsan in lagu ogaado arrin handdadaad ku ah amniga sida duulaan Cyber-ka ah ama qorshe argagaxisnimo. Nidaamyadan Caqliga Farsameysan, waxaa lagu daraasadeyn karaa xogo ilo badan ka kala yimid, oo ay ku jiraan Xiriirada Is Gaarsiineed Bulashada (Social Media), inuuu muujiyo ama lagu aqoonsado khatarta dhici kareysa, iyo inuu diginin siiyo shaqaalaha amniga.
Aqoonsiga mitirinta ee noole (Biometric Identification): Nidaamyada Aqoonsiga mitirinta ee noole waxaa loo adeegsan karaa qofka, iyo in wadiiqo aan la oggoleyn lagu gaaro meelo amnigooda la sugay. Caqliga Farsameysan (AI) algorithms ayaa loo adeegsan karaa daraaseynta ama taxliilinta xogaha aqoonsiga mitirinta ee noole (Biometric) sida aqoonsiga wajiga, raadka faraha, taasoo lagu dabaqayo ama la barbar dhigayo xogaha askhaasta la yaqaan.
Xog/war-bixin ma laha Soomaaliya
Haddii aysan jirin xog ama waar-bixin taala oo fal-denbiyeed (Crime), markaas suuro gal noqon meyso in taxliil ama daraasadeyn mashin algorithms lagu sameeyo loo saadaaliyo meelaha ay dhici kareyso mustaqbalka in fal-denbiyeed uu ka dhaco.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa dhici karta inay jiraan ilo-xogeedyo kale oo ay suuro gal tahay in loo adeegsado saadaalinta meelaha uu ka dhici karo fal-denbiyeed. Tusaale ahaan; xogaha bulshada iyo arrimaha dhaqaalaha, sida; saboolnimmada, shaqo-la’aanta, iyo heerarka wax-barasho, ayaa loo adeegsan karaa si la saadaaliyo meelaha ay u badantahay inuu fal-danbiyeed ka dhaco.Waxaa intaas wehliya xogta xaaladda jawiga, qaababka wadooyinka iyo socodka gaadiidka (Traffic), iyo faraha daadka deggan meesha, ayaa iyagana loo adeegsan kara saadaalinta baraha kulul ee fal-denbiyeedka.
Haddii aysan jirin xog taala, waxaa markaas lagama maarmaan noqoneysa in la ururiyo xog cusub iyadoo la sameynay daraasad (Survey) iyo wareysiyo ama habab kale. Xogtan ayaa markaas lagu taba barayaa mishinka daraasadeynaya algorithms si uu u sameeyo sadaal
aad u sugan, oo ah Meesha ay u badantahay mustaqbalka soo socda inay fal-denbiyeedyo ka dhacaan.
Waxaa muhiim ah in maanka lagu hayo marka la ururinaayo xog ama la taxliilinayo oo la falaneynayo ujeeddada laga leeyahayna ay tahay amni ay muhiim tahay in la ixtiraamo waxyaabaha gaarka u ah shakhsiyda iyo xuquuqda muwaadhiniinta. Xog kasta oo la urururinayo waxaa loo baahanayahay in anshax lagu dheeho iyo qaab aysan dad-weynaha waxaba uga qarsooneyn, iyo siyaabaha ugu haboon ee ilaallinta xogaha muwaadhiniinta.
Barnaamijyada Caqliga Farsamaysan (AI) ee loo adeegsan karo in muwaadhiniinta lagu baro qaababka xaaladaha degdegga ah.
Barnaamijyada caqliga farsameysan (AI) waxaa looga faa’ideysan karaa in wax la baro muwaadhiniinta nidaamka xaaladaha degdegga ah loona diyaariyo inay ka fal celiyaan xaaladaha degdegga ah, sida haddii ay dhacdo duulaan argagixiso. Waxaan halkaan ku soo gudbineynaa qaar ka mid ah siyaabaha loo isticmaali karo Caqliga Farsamaysan AI :
- Caqliga Farsameysan (AI) waxaa la sameyn karaa Chatbots (chatbots waa Software, nidaam ahaan loo diyaariyay hal ujeeddo oo ah in si aad ugu dhow ama eg bini aadanka u doodi karo) si dad-weynaha ugu suuro geliyo ka fal-celinta xaaladaha deg-degga ah, iyo waxyaabaha lays farayo, iyo hab-raacyada. Chatbots-ka waxay ka jawaabi karaan weydiimaha ay qabaan muwaadhiniinta, waxayna u sheegi karaan xogaha iyo waqtiga dhabta inta lagu jiro xaaladda deg-degga ah.
- Artificial intelligence (AI) Caqliga Farsameysan waxaa loo adeegsan karaa in la abuuro qaab u dhow midka dhabta ah oo taba-bar lagu siin karo muwaadhiniinta si ay uga fal celiyaan xaaladaha degdegga ah si ammaan ah oo ay gacanta ku hayaan waxyaabaha ku meeran (environment).
- Caqliga Farsameysan (AI) wuxuu gacan ka siin karaa maamullada daraasadeynta iyo inay fahmaan qaababka duulaannada ay soo qaadaan argagixisada iyo siday u horumarin lahaayeen iyo nidaamkii siyaasadeed ee ay uga hor tegi lahaayeen iyo siday ugu fal celin lahaayeenba. Markaas ka dib muwaadhiniinta ayaa lala socodsiin karaa xogtaas, si ay kor ugu qaado fahamkooda dabeecadaha khataraha iyo sida looga fal-celiyo.
- Caqliga Farsameysan (AI) waxaa loo adeegsan karaa in lagala socda Xiriirada Is Gaarsineed ee Bulshada,Social Media) iyo kuwa kale baraha hab-tiraalka (Digital) iyo khataraha argagixisada, iyo in feejignaan lagu geliyo maamullada iyo muwaadhiniinta khatar kasta oo sameysanta
Marka Caqliga Farsameysan (Artificial Intelligence) loo isticmaalo barnaamijyada iyo siyaabaha aan soo sheegnay waxay dalka ka caawineysaa sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta muwaadhiniinta ee ku aaddan siyaabaha xaaladaha degdegga ah loogu diyaar garoobo, iyo siyaabaha degdegga ee wax ku ollka ah ee looga fal celiyo haddii uu dhaco duulaan argagixiso.
Sidoo kale akhri:KHATARTA TIKNOOLAJIYADA LAGULA WAREEGO XOGTA DADKA U KHAASKA AH