Sida Zoom Loogu Isticmaalo Cashar Online

Spread the love

Sida Zoom Loogu Isticmaalo Cashar Online

Hordhac

Teknoolajiyada casriga ah waxay sahashay in arday badan iyo macallimiin ay wax ku bartaan ama ku baraan meel fog. Tan waxaa lagu magacaabaa waxbarashada online-ka ah. Mid ka mid ah aaladaha ugu caansan ee loo adeegsado casharrada online-ka waa Zoom. Zoom waa app kuu oggolaanaya inaad cod iyo muuqaal kula xiriirto dad kale meel kasta oo ay joogaan.

Maqaalkani wuxuu si fudud,oo talaabo talaabo ah kuugu sharaxayaa sida Zoom loogu isticmaalo casharro online ah.


Maxaa Looga Baahan Yahay?

Si aad cashar uga qeyb gasho adigoo adeegsanaya Zoom, waxaad u baahan tahay:

  • Taleefan casri ah (smartphone) ama kumbiyuutar (laptop/desktop)
  • Internet xawaare leh (4G ama Wi-Fi)
  • Zoom App (waad kala soo dagi kartaa bilaash)
  • Link ama Meeting ID uu kuu soo diro macallinkaaga
  • Sameecado (earphones ama headset) si aad u maqasho codka si wanaagsan

Sida Zoom Loo Soo Dajiyo (Download)

1. Haddii aad isticmaaleyso taleefan Android:

  • Gal Play Store
  • Qor “Zoom Cloud Meetings”
  • Taabo”Install”

2. Haddii aad isticmaaleyso iPhone:

  • Gal App Store
  • Qor “Zoom”
  • Taabo”Get”

3. Haddii aad isticmaaleyso kumbiyuutar (PC/laptop):


Sida Loogu Galo Casharka (Join Meeting)

  1. Fur app-ka Zoom
  2. Riix “Join a Meeting”
  3. Geli Meeting ID uu kuu soo diray macallinka
  4. Ku qor magacaaga (tusaale: “Cabdi Arday”)
  5. Haddii la rabo, geli password-ka
  6. Riix “Join”

Inta badan marka aad gasho, codka iyo muuqaalkaaga waa dansan yihiin. Haddii aad rabto inaad hadasho:

  • Riix “Unmute” si codkaaga loo maqlo
  • Haddii aad rabto inaad sheekaysato, isticmaalo “Chat”
  • Ama taabo “Raise Hand” si aad u codsato inaad hadasho

Meeting cusub samee

  • Riix New Meeting ama Schedule
    • Haddii aad rabto inaad isla markiiba bilowdo: dooro New Meeting
    • Haddii aad rabto inaad jadwal u sameyso: dooro Schedule

Qorshee meeting-ka

  • Ku qor magaca meeting-ka
  • Dooro taariikhda & saacadda
  • Password geli haddii aad rabto inaad ilaaliso (Laakin inta badan malo baahno)
  • Door “Save” ama “Done”

Link-ka la wadaag dadka

  • Kadib markaad meeting sameyso, Zoom wuxuu ku siinaa link iyo ID
  • Copy garayso link-ga oo u dir ardayda, asxaabta, ama cidda kale ee ka qeybgaleysa (WhatsApp, email iwm)

Marka waqtigu gaaro Meeting-ka fur

  • Fur app-ka Zoom
  • Tag “Meetings”
  • Riix meeting-ka aad sameysay
  • Door “Start”

Inta Casharka Lagu Jiro

  • Fadhiiso meel degan oo aan buuq lahayn
  • Isticmaal sameecado si aad si fiican u maqasho
  • Qor waxyaabaha muhiimka ah (samee qoraallo)
  • Ha isticmaalin app-ka Zoom si ciyaar ahaan ah, iska ilaali inaad qashqashaado dadka kale
  • Markaad rabto inaad hadasho, sug ilaa laguu oggolaado

Talooyin Faa’iido Leh

  • Hubi internet-kaaga: Haddii uu gaabis yahay, sawirka ama codka waa jarmi karaa
  • Kormeer app-ka horay: Kahor casharka, tijaabi app-ka iyo sameecadaha
  • Hadii aad macallin tahay: Diyaarso wax kasta ka hor waqtiga, si ardaydu si habsami leh uga qeyb galaan
  • Isticmaal qoraalka (chat) haddii aad su’aal qabto, si aadan u qashqashaadin dadka kale

Maxaa Zoom Lagu Isticmaalaa?

  • Shirar shaqo
  • Isku xirka qoyska ama saaxiibbada
  • Tababaro online ah (xirfado cusub)
  • Diinta: qaar ka mid ah culimada waxay qabtaan muxaadaro Zoom ah

Gunaanad

Zoom waa aalad casri ah oo qof walba u adeegsan karo si fudud, ha ahaato arday, macallin, ama qof caadi ah. Waxaa si gaar ah uga faa’iidaysan kara dadka Soomaaliyeed ee ku kala sugan magaalooyin kala duwan, gudaha iyo dibadda.

Waxbarashada online-ka ahi waxay u baahan tahay kaliya dadaal, qalab fudud, iyo xirfad yar. Waxaad bilaabi kartaa maanta!

Ma qabtaa su’aal, fikrad ama mashruuc aad rabto inaad nala wadaagto? Waxaan jeclaan lahayn inaan kula xiriirno ama nala soo xiriir.

Sido kale akhrisoo: Internet-ka: 7 Qodob oo Muujinaya Inuu Ka Badan Yahay Madadaalo

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top