5-ka Qalab ee Ugu Wanaagsan ee Lagu Sameeyo Muuqaallo AI ah
Dunida maanta, waxaad sameyn kartaa muuqaal cajiib ah adigoo aan wax xirfad gaar ah u baahnayn. Qalabka AI (caqliga la farsameeyay) ayaa kuu fududeynaya inaad abuurto muuqaalka aad rabto adigoo kaliya qoraya waxa aad dooneyso.
Laakiin su’aashu waa: qalabkee ayaa sax ah? midkee ayaa imaanaya?
Bloggan wuxuu kuu sharxayaa 5 qalab oo jira mise soo socdo sanadkaan 2025, si ay bulshadeena Soomaaliyeed uga faa’iideystaan si wanaagsan.
Waa kuwee qalabyada iyo xaaladdooda hadda?
Veo 3 (Google DeepMind)
Waxaad ku adeegsan kartaa Veo 3 adigoo isticmaalaya Gemini app (moobil) ama Web (browser), iyo Google Vids, haddii aad haysato rukhsadda Google AI Pro ama Ultra. Muuqaalada la abuurayo waa ku dhowaad 8 seconds, tayo ahaan waa 720p, waana ay leeyihiin cod (audio).
Sora (OpenAI)
Sora waa aalad weyn oo ay dhistay OpenAI (kuwa sameeyay ChatGPT). Muuqaalada lagu sameeyo qoraal kaliya. Tusaale ahaan: “wiil caruur ah oo xeebta ku ciyaaraya.”Tan iyo bishii June 2025, shirkadda Microsoft waxay Sora ku dhex dartay app-ka Bing. Taas oo kuu ogolaaneysa inaad: Sameyso 10 muuqaal oo gaagaaban bilaash ah. cod ma jiro(no audio)
Laakiin: chatgpt pro/plus
🛈 Xaaladda: hadaa aad bixisis chatgpt.
Pika Labs
Pika waa aalad dad badan ay hadda si toos ah u isticmaalaan. Waxay abuurtaa animation dhaqaaqaya. Aad bay ugu fiican tahay muuqaal caruureed, ama sheeko hal abuur leh.
🛈 Xaaladda: Furan, waa inaad iska diiwaan gelisaa boggooda.
Runway ML
Qalabkan waa mid si fiican loogu yaqaan dunida hal-abuurka. Waxaad ku samayn kartaa muuqaal, cod, editing iyo xitaa “video inpainting”. Waxaa jira nooc lacag la’aan ah, iyo mid premium ah.
🛈 Xaaladda: Furan, nooc bilaash ah + nooc lacag ah.
Luma AI
Luma waa qalab kuu beddeli kara sawir ama muuqaal caadi ah ilaa 3D muuqaal leh. Waxaa loo isticmaalaa waxbarasho, bandhigyo iyo filimaan yaryar.
🛈 Xaaladda: Furan, waxaa laga heli karaa iPhone, App Store iyo browser-ka web.
Faa’iidooyin iyo Qasaarooyin:
Qalab | Faa’iidooyin | Qasaarooyin |
---|---|---|
Veo 3 | Muuqaal tayo-sare leh | Wuxuu abuurayaa kaliya 8 ilbiriqsi (seconds) video. Ma habboona haddii aad rabto muuqaal dheer ama taxan |
Sora | Fahmo qoraal wanaagsan | chatgpt pro/plus |
Pika Labs | Ku fiican animation | Xaddidan muuqaal ahaan |
Runway | Editing + cod + muuqaal | Qaar ka mid ah features waa lacag |
Luma AI | Muuqaal 3D oo hal-abuur leh | Ku adag dadka cusub ee aan aqoon 3D |
Yaa Isticmaali kara?
- Arday iyo carruur: Pika Labs & Runway (waxbarasho ama sheekooyin)
- Barayaal iyo waalidiin: Runway & Luma AI (si loo sharxo casharro ama u sameeyo muuqaal cilmiyeysan)
- Ganacsato iyo hal-abuurayaal: Veo 3 ama, Sora mise Runway (xayeysiis, bandhig)
Tusaalooyin sidi aad uu isticmaali kartid:
- Sheeko caruureed oo animation ah oo Qur’aan ama akhlaaq baraysa
- Muuqaal sharaxaya taariikhda Soomaaliyeed
- Animation loogu talagalay barashada xisaabta ama biology
- Muuqaal 3D ah oo lagu barayo jirdhiska carruurta
Gunaanad: Kee Baa Kugu Habboon?
- Haddii aad bilow tahay: isku day Pika Labs ama Runway
- Haddii aad rabto muuqaal tayo sare leh: Veo 3,Sora ama Runway
- Haddii aad rabto 3D muuqaal gaar ah: isku day Luma AI
Digniin
Fadlan ogow: Qalabka AI waa qalab oo kaliya waxa muhiimka ah waa:
- Waxaad ku sameyso (mawduuca)
- Sida aad u isticmaasho (ujeeddo iyo niyad)
- Inuu kheyr keeno ama dhibaato
❌ Ka Fogoow:
- Muuqaallo nacayb abuura sida “Somaliland ma jirto”
- Weedho sharaf dhac ah sida nin iyo naag isdagalaayo “Xalimo iyo Faarax”
- Muuqaallo dumarka aan asturneyn muujinaya
- Fake news ama been abuur
- Ku mashquulid wax aan faa’iido lahayn (waxa ka mid noqon kara riya’ – ismuujin)
✅ Samee:
- Waxbarasho (Qur’aan, diinta, taariikhda)
- Hal-abuur anshax leh
- Midnimo, horumar, iyo wanaag
AI waa nimco, balse haddii si xun loo isticmaalo, waxay noqon kartaa fitno.
Islaamka wuxuu inagu farayaa in aan niyaddeenna saxno, oo aan u adeegsan wax kheyr keena.
Talo: Haddii aad hubin waxa aad abuurayso in ee tahay xalaal mise xaraan, la tasho culimada. Mas’uul aan ka nahay hal-abuurkeenna.
Diyaar Ma U Tahay Inaad Bilaawdo?
Dooro qalab fudud, bilaaw wax wanaagsan, kana qeyb noqo jiilkii Soomaali hal-abuur leh oo aqoonta iyo teknoolojiyadda horay u wada.
Ma qabtaa su’aal, fikrad ama mashruuc aad rabto inaad nala wadaagto? Waxaan jeclaan lahayn inaan kula xiriirno ama nala soo xiriir.
Sido kale akhriso: Sidee Loo Baranayaa AI Luuqadda Soomaaliga? (NLP)