Sidaad Ku Sameyn Karto Muuqaal AI Ah Adigoon Khibrad Lahayn Tallaabo Tallaabo (Juun 2025)
Maanta, qof walba wuu samayn karaa muuqaal. Uma baahnid camera qaalisan ama khibrad hore. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay waa qalab sax ah, fikrad wanaagsan iyo waqtigaaga.
Bloggan wuxuu ku tusayaa sida adigoo bilow ah aad ku abuuri karto muuqaal cajiib ah adoo adeegsanaya qalabyo AI sida Veo 3 ama Runway.
Qalabyo Fudud oo La Heli Karo (june 2025)
Runway ML
- Lagu isticmaali karo browser
- Waxaad ku abuurtaa muuqaal adigoo gelinaya qoraal, sawir ama muuqaal
- Waxaa ka mid ah: “Gen-2”, text-to-video, voice-over AI
Veo 3 (Google)
- La heli karo €6,50 bilowga (Basic plan)
- Waxaad ku samayn kartaa 8 seconds muuqaal leh cod iyo muuqaal tayo sare leh
- Waxaa laga helaa browser iyo Gemini app
Sidaad U Bilaabi Kartid 5 Tallaabo oo Sahlan
1. Ka fikir mowduuc fudud oo wax tar leh
→ Tusaale: sheeko gaaban, talo diini ah, ama waxbarasho
2. Qor qoraalka (script)
→ Ku qor 2–3 sadar oo qoto dheer leh
3. Geliso qoraalka AI tool-ka (Runway ama Veo)
→ Door cod, muuqaal, midab, iyo background
4. Sug AI-da – Dib u eeg muuqaalka
→ Ma sax baa? Ma u muuqdaa sidii aad damacsanayd?
5. Soo dejiso oo la wadaag
→ Muuqaallada waad soo dejisan kartaa
→ Ku wadaag TikTok, YouTube, ama WhatsApp
Talooyin Wax-tar Leh
Qayb | Talo |
---|---|
Script | Gaaban, xikmad leh, sheeko leh |
Sawir | Ka fogow wax ceeb ah ama macno la’aan ah |
Cod | Cod degan ama akhlaaq leh |
Ujeeddo | Ka dhig mid waxbarasho, dhiirrigelin ama farxad leh |
Yaa Ka Faa’iideysan Kara?
- Dhalinyarada TikTok ama YouTube ku leh dan
- Ardayda u baahan in ay sameeyaan project muuqaal ah
- Macalimiinta samaynaya casharro
- Ganacsatada yaryar ee rabta xayeysiin fudud
Digniin Muhiim ah (Islaam & Bulsho)
Qalabkan AI waa qalab keliya – kheyr ama shar ayaad ku samayn kartaa.
Islaamka wuxuu leeyahay:
“xalal waa cad yahay, xaramna waa cad yahay…” (Xadiis – Bukhaari & Muslim)
❌ Ka Fogoow:
- Muuqaallo dumar lagu muujiyo
- Weedho nacayb ama aflagaado keena
- Muuqaallo been ah ama ku saleysan riya’ iyo ismuujin aan faa’iido lahayn
✅ Samee:
- Muuqaal waxbarasho (taariikh, diinta, akhlaaq)
- Sheekooyin carruurta wax bara
- Barnaamijyo ganacsi oo wacyigelin leh
AI waa fursad, haddii si xikmad leh loo adeegsado, waxay ummaddeena u horseedi kartaa horumar.
Gabagabo
Waa sahal inaad maanta samayso muuqaal AI ah. Waxaad haysataa tools, tusaalooyin, iyo tallooyin. Kaliya u baahnow niyad fiican iyo ujeeddo wanaagsan.
Ma qabtaa su’aal, fikrad ama mashruuc aad rabto inaad nala wadaagto? Waxaan jeclaan lahayn inaan kula xiriirno ama nala soo xiriir.
Sido kale akhriso: 5-ka Qalab ee Ugu Wanaagsan ee Lagu Sameeyo Muuqaallo AI ah