10-ka Isbeddel ee Ugu Muhiimsan ee Caqliga la Farsameeyay iyo Xogta sanadka 2025
Hordhac
Sanadkii 2024 waxaa la filayay inuu noqdo sanad weyn oo horumar ah oo AI-da dhalinaysa. Qaar ka mid ah saadaashaas way rumowday, qaar kalena wali wey sugan yihiin. Dad badan waxay arkeen horumar, laakiin AI weli ma gaarin heerkii la filayay. Barr Moses iyo Tomasz Tunguz waxay iftiiminayeenn 10 isbeddel oo weyn oo la filayo sanadka 2025, kuwaas oo saameyn doona sida aan u adeegsan doono AI, xogta, iyo qalabka casriga ah. Sanadki hada waa lagu jiraa, balse aan eegno wixi laga filaayo.
1. AI-da wali ma gaarin fikir sababeed
AI waxay si fiican ugu shaqeysaa laba meelood:
- Qoraal dhammeystira ama kood saxda
- Ka jawaabista su’aalo iyadoo la adeegsanayo xog jirta Laakiin marka loo baahan yahay inay qabato shaqooyin is xigxiga oo adag, wali way ku liidataa. Tusaale ahaan, haddii xogta wax laga beddelo, AI-gu way qalad gashaa. Tani waxay muujinaysaa in AI-du wali u baahan tahay horumar si ay u fahamto talaabooyinka xiriirsan. AI-da maanta waxey la mid tahay arday dugsiga sare dhigta, balse aan weli si buuxda ugu qalmin inuu shaqeeyo kaligiis.
2. Nidaam ayaa ka muhiimsan qalab
Shirkado badan waxay waqti badan ku bixiyaan qalab cusub, laakiin kuma fiicna nidaamka hawsha. Haddii aad haysato qalab wanaagsan laakiin aadan lahayn nidaam sax ah, qalabkaas ma yeelan doono wax faa’iido ah. Tusaale ahaan, halkii aad isticmaali lahayd qalabyo badan oo kala duwan, waxaad isticmaali kartaa hal madal oo isku dhafan oo bixisa adeegyo badan. Waxa muhiim ah in qalabka cusub la waafajiyo shaqada jirta iyo dadka isticmaala.
3. AI-da waxay yareyneysaa kharashka, laakiin ma abuurto dakhli weyn
AI waxay faa’iido u leedahay hoos u dhigista kharashyada, sida shaqooyin la beddelo ama hawlo si toos ah loo qabto. Shirkado badan ayaa isticmaalaya AI si ay u xoojiyaan shaqadooda, laakiin wali lama arko inay si muuqata u abuurto dakhli cusub. Dakhligu waa inuu ka yimaadaa adeegyo cusub ama macaamiil cusub oo la helo iyada oo la adeegsanayo AI. Laakiin inta badan, AI-da hadda jirta waxay ka shaqeysaa waxyaabaha la fududeynayo, sida hagaajinta waqtiyada ama shaqooyinka ku celceliska ah. Dhibaatada kale ayaa ah in macaamiisha aysan wali si buuxda ugu kalsoonayn adeegyada ay AI-da keligood fulinayaan.
4. Qaadashada AI-da waa mid gaabis ah
Sanadkii hore, dad badan ayaa si degdeg ah u tijaabiyay AI. Hadda, hoggaamiyeyaasha waxay sugayaan fursad dhab ah oo qiimo leh. Waxay doonayaan inay fahmaan waxa ay u baahan yihiin ka hor inta aysan wax ku bixin. Tani waxay ka dhigeysaa shirkado badan kuwo taxaddar badan leh. Waxay sugayaan ilaa tiknoolajiyada ay noqoto mid la isku halayn karo, sharciyadeeduna ay caddahay, si ay u gaaraan go’aan maalgashi. Waxaa muhiim ah in la fahmo in AI aysan ahayn xal degdeg ah, balse ay tahay safar istiraatiiji ah.
5. Xogta yar ayaa noqon doonta mustaqbalka AI
AI-da ganacsiga waxay u wareegaysaa isticmaalka moodeello yaryar oo la habeeyay. Tani waxay sabab u tahay:
- Kharash yar
- Waxqabad fiican
- Ka fogaanshaha dhibaato sharci Tusaale ahaan, moodeel yar oo la tababaray xog yar ayaa ka fiican mid weyn oo aan la xadidin. Moodeel yar waxaa lagu tababari karaa xog gaar ah oo si gaar ah loogu talagalay baahida shirkadda. Tani waxay keeneysaa jawaabo sax ah oo degdeg ah, iyadoo aan la isticmaalin kharash badan. Ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ayaa si gaar ah uga faa’iideysan doona isbeddelkan.
6. Analyst-yada iyo injineerrada xogta waxay bilaabeen wada shaqeyn
Sababtoo ah shaqooyinka ayaa kordhay, AI-na waxay fududeysay hawlaha, analyst-yadu waxay bilaabeen inay sameeyaan shaqooyin hore u ahaan jiray kuwa injineerro. Tusaale ahaan, analyst ayaa hadda awood u leh inuu abuuro pipeline xog ah adigoon sugin injineer. Tani waxay yareyneysaa waqtiga la luminayo waxayna kordhineysaa wax-soo-saarka. Sidaas darteed, kooxaha xogta waxay noqon doonaan kuwo isku dhafan oo wada shaqeynaya. Xitaa shirkadaha aan lahayn koox weyn ayaa heli doona awood ay kula jaanqaadaan tartanka.
7. Xogta been-abuurka ah (synthetic) waa wax faa’iido leh, laakiin khatar ah
AI-da hadda waxay tababaran tahay dhammaan xogta internet-ka. Marka xog cusub la waayo, waxaa la abuurayaa xog cusub oo la mid ah. Laakiin xogtaasi ma aha mid sax ah sida xogta dhabta ah. Tusaale ahaan, haddii aad mar walba isticmaasho xog been-abuur ah, moodeelkaagu wuxuu bilaabi doonaa inuu bixiyo natiijooyin aan sax ahayn. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in la isku daro xogta dhabta ah iyo midda la sameeyay si miisaan dhexdhexaad ah. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la helo hab lagu cabbiro tayada xogtaasi.
8. Xogta aan habaysneyn (unstructured data) waxay noqon doontaa muhiim
Shirkado badan wali ma falanqeeyaan xogta aan habaysnayn sida qoraalada, sawirrada, iyo codadka. Laakiin AI-du waxay ku shaqeyneysaa xogtaas. Shirkado badan waxay dadaal gelin doonaan sidii ay xogtan u hawlgelin lahaayeen. Xogta aan habaysneyn waxay ku jirtaa warqado, emaillo, dukumenti, iyo xitaa muuqaal. Haddii la helo qalab sax ah, xogtan waxay noqon kartaa dahab qarsoon. Tusaale ahaan, adeegyada macaamiisha ama adeegyada caafimaadka waxay heli karaan aragtiyo qiimo badan oo ka yimid xogtan.
9. AI-da sameysa talaabooyin badan (agentic) wali ma shaqeyso
AI-yada qaban karta hal shaqo si fiican bay u shaqeysaa. Laakiin kuwa isku xira dhowr talaabo oo isku xigta wali wey khaldaan. Tusaale ahaan, haddii aad leedahay moodeel leh 3 talaabo, mid walba oo leh 80% saxnaan, markaas natiijada ugu dambeysa waxay noqon kartaa 50% sax. Tani waxay muujinaysaa in wali aan la gaarin heer lagu kalsoonaan karo oo la gelin karo AI-da noocan ah gudaha shirkadaha si toos ah. Waxaa loo baahan yahay tijaabooyin dheeraad ah iyo hagaajin tiknoolajiyadeed.
10. Tirada pipelines-ka xogta ayaa kordhay, tayadooduna way hoos u dhacday
Shirkado badan waxay sameynayaan pipelines badan oo yaryar si ay AI ugu tababbaraan. Laakiin tayada xogta lama xakameeyo. Tani waxay keeni kartaa khaladaad badan iyo natiijooyin aan la isku haleyn karin. Marka pipelines-ka ay bataan, waxaa kordhaya suurtogalnimada khaladaad. Waxaa muhiim ah in la helo nidaamyo si joogto ah u hubiya tayada xogta. Xalka dhabta ah waa in la sameeyo nidaam otomaatig ah oo si joogto ah u kormeera wax walba.
Gunaanad
Sanadka 2025 wuxuu noqon doonaa sanad kala saaraya kuwa si wanaagsan u wajahaya AI iyo kuwa aan diyaar u ahayn. Kuwa la yimaada:
- Tayo fiican
- Nidaam shaqeynaya
- Isticmaalka xog yar laakiin sax ah
- Wada shaqeyn kooxeed
- Kordhinta kalsoonida xogta
- Habab fudud oo otomaatig ah …ayaa noqon doona guuleystayaal. Ku guuleysiga mustaqbalka AI wuxuu ku xiran yahay diyaar garow, faham, iyo la qabsasho joogto ah.
Ma qabtaa su’aal, fikrad ama mashruuc aad rabto inaad nala wadaagto? Waxaan jeclaan lahayn inaan kula xiriirno ama nala soo xiriir. Comment, like and share sidaan dadkeena wax uu barno.
Sido kale akhriso: Awoodda Internet-ka iyo Sidee Ay U Saameyso Aduunka oo Dhan