Nidaamka Difaaca Cirka ee Israa’iil: Maxaa Keenay Inuu Fashilmo?

Spread the love

Nidaamka Difaaca Cirka ee Israa’iil: Maxaa Keenay Inuu Fashilmo?

Israa’iil waxay leedahay mid ka mid ah nidaamyada difaaca cirka ugu horumarsan adduunka, oo loogu talagalay in lagu ilaaliyo magaalooyinkeeda iyo dadkeeda weerarada dibadda. Si kastaba ha ahaatee, maalmahan la soo dhaafay, Iran ayaa ku guuleysatay inay jebiso difaacaas. Gantaallo ayaa ku dhacay magaalooyin ay ka mid yihiin Tel Aviv iyo Haifa. Sidee taas u suurtoowday?


Weerar Xoogan oo Laga Soo Qaaday Iran

Kadib weeraro Israa’iil ku qaaday bartilmaameedyo ku yaal Iran, oo ay ku jiraan xarumo nukliyeer iyo militari, Iran ayaa si kulul uga falcelisay. Waxay Israel ku qaaday duqeyn weyn oo gantaallo ah.

Inkastoo nidaamka difaaca cirka ee Israa’iil uu yahay mid aad u horumarsan, dhowr gantaal ayaa si toos ah u gaaray bartilmaameedyadoodii.


Sidee Nidaamku u Fashilmay?

Dr. Ralph Savelsberg, oo ah khabiir ku takhasusay difaaca gantaallada, ayaa sharxay in Iran ay adeegsato laba xeeladood:

  1. Xad-dhaaf Gantaallo Ah Hal Mar: Markii tiro badan oo gantaallo ah hal mar la soo tuuro, nidaamka difaaca ayaa la kulma culeys xisaabeed si loo ogaado halka gantaalku ku dhici doono. Tani waxay yareynaysaa fursadda lagu soo ridi karo.
  2. Haddii weerarada la sii wado maalmo isku xigta, waxaa dhici karta in gantaallada difaaca ah ee Israa’iil ay gabaabsi noqdaan, taasoo keenaysa in difaaca la daalo.

Tusaale ahaan, gantaal nooca hypersonic ah ayaa ku dhacay magaalada Haifa, gantaalladaas waxay u socdaan xawaare aad u sareeya.


Waa Maxay Nidaamka Difaaca Cirka ee Israa’iil?

Tan iyo 2006, Israa’iil waxay dhistay saddex lakab oo difaac ah:

  1. Iron Dome, Ka hortaga gantaallada gaaban iyo drones-ka.
  2. David’s Sling, Gantaallada masaafo-dhexe.
  3. Arrow System, Gantaallada ballistics-ka ah ee meel fog laga soo tuuro, gaar ahaan noocyada ay Iran adeegsato.

Waxaa intaa dheer, Israa’iil waxay leedahay taageero ciidan oo ka timaadda Mareykanka, oo ay ku jirto nidaamka THAAD.


Qiimaha Dagaalka

Difaaca weerarradan Iran uga timid Israa’iil ayaa la sheegay inuu ku kacay in ka badan 285 milyan oo doollar:

  • Gantaalka hal David’s Sling ah = ku dhowaad 1 milyan oo doollar.
  • Hal Arrow missile = ka qaalisan.
  • Mararka qaar waxay isticmaalaan labo gantaal si ay hal gantaal uga hortagaan.

Waxaas oo dhan waxay culays dhaqaale ku keenayaan Israa’iil.


Maxaa La Gudboon Israa’iil?

Inkasta oo nidaamka difaaca uu yahay mid horumarsan, haddana marna ma aha mid 100% la isku hallayn karo. Xitaa kooxaha sida Houthi-da ayaa marar hore ku guuleystay inay jebiyaan difaaca.

Dr. Savelsberg wuxuu yiri: “Nidaamka wuu shaqeeyay, inkastoo ay jiraan dhaawacyo iyo dhimasho. Marka la eego tirada weerarada, khasaaruhu waa la filan karay.”


Gunaanad: Difaac Horumarsan oo Aan Dhamaystirnayn

Israa’iil waxay leedahay nidaam difaac oo aad u horumarsan, laakiin marka la wajaho weeraro culus oo joogto ah sida kuwa Iran, wax walba way xadidan yihiin. Su’aasha hadda taagan: Muddada intee le’eg ayay difaacaas adkeysan karaan haddii weeraradu sii socdaan?


Qore: Olaf Koens. Tarjumid iyo habayn: Somalifutures


Ma qabtaa su’aal, fikrad ama mashruuc aad rabto inaad nala wadaagto? Waxaan jeclaan lahayn inaan kula xiriirno ama nala soo xiriir.Comment, like and share sidaan dadkeena wax uu barno.

Sido kale akhriso: Khatarada AI-ga Maanta Jooga: Digniinta Geoffrey Hinton

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top