Sida Loo Sameeyo Website Bilaash Ah 2025

Sida Loo Sameeyo Website Bilaash Ah 2025

Ma rabtaa in dadku arkaan fikraddaada?
Ma tahay ganacsade, arday ama qof shaqo raadinaya?
halkaan ka baro sidi website loo sameeyn karo.

“Sidee website u sameeyaa anigoon lacag bixinin?”
Maqaalkani wuxuu ku barayaa 4 qalab bilaash ah oo aad ku dhisi karto website, adigoo aan wax barnaamij ah aqoon u lahayn. Qalabkan waxay shaqeynayaan meel kasta oo internet leh, waxaana lagu sameeyn karaa mobile & desktop labadaba.


4 Qalab oo Bilaash ah oo Lagu Sameeyo Website


Google Sites

Waa mid ka mid ah aaladaha ugu sahlan ee lagu dhiso website. Aad uma qurxana, laakiin si degdeg ah ayaad ku samayn kartaa bog shaqeynaya.

Maxay ku fiican tahay?

  • Ku habboon arday diyaarinaya portfolio
  • Macallimiin diyaarinaya casharro
  • Waxay u shaqeysaa si fiican xitaa haddii internet-ku xawaare hooseeyo

Sida loo isticmaalo:

Tusaale:

Ifraax waa ardayad ku jirta dugsiga sare ee Gaalkacyo. Waxay samaysay website ay ku dhajiso buugaagta ay qorto iyo natiijooyinkeeda. Waxa ay u isticmaashay Google Sites si ay ugu xirnaato dugsiyo dibadda ah.


WordPress.com

WordPress waa aalad caalami ah oo malaayiin website lagu dhisay. Nooca bilaashka ah wuxuu kuu oggolaanayaa inaad sameyso blog ama portfolio fudud.

Maxay ku fiican tahay?

  • Ku habboon ganacsato yaryar ama blog-qoreyaal
  • Waxaad ku dari kartaa maqaal, sawir, video iyo xitaa e-commerce haddii aad lacag bixiso
  • WordPress wuxuu leeyahay backup, HTTPS ammaan ah, iyo apps mobile ah

Sida loo isticmaalo:

  • Gal: https://wordpress.com
  • Dooro “Free plan”
  • Samee magaca boggaaga, sida waxbarashosomali.wordpress.com

Tusaale:

Cabdi waa ganacsade ku leh farmashiyad magaalada Boosaaso. Wuxuu sameeyay website uu ku soo bandhigo alaabta caafimaadka, wuxuuna isticmaalay WordPress si uu macaamiisha ula xiriiro.


Blogger.com

Blogger waa adeeg uu bixiyo Google, wuxuuna kuu oggolaanayaa inaad si fudud u qorto maqaal, aadna la wadaagto akhristayaal badan.

Maxay ku fiican tahay?

  • Ku habboon dad xiisaynaya qoraalka ama wararka
  • Aad bay u fududahay si toos ah uga gal Gmail
  • Bilaash dhammaan xitaa domainka wuxuu noqon karaa magacaaga.blogspot.com

Sida loo isticmaalo:

Tusaale:

Asha waa hooyo ku sugan Muqdisho oo jecel gabayada. Waxay bilowday blog ay ku qorto gabayada ay tiriso, waxayna dadka la wadaagtaa si bilaash ah.


Carrd.co (Landing Page fudud)

Carrd.co waxay kuu oggolaanaysaa inaad samayso website hal-bog ah oo qurux badan. Waa sahlan, muuqaal qurxoon leh.

Maxay ku fiican tahay?

  • Ku habboon shaqo raadinayaal CV online ah
  • Ku habboon mashruuc ama “about me” bog kooban
  • Waxaad ku dari kartaa email, sawir, link, iyo qoraal kooban

Sida loo isticmaalo:

  • Gal: https://carrd.co
  • Dooro template
  • Ku qor magacaaga, xirfadahaaga, kuna xiro LinkedIn/Twitter

Tusaale:

Mahad waa dhalinyaro IT bartay oo degan Hargeysa. Wuxuu CV-ga iyo mashruucyadiisa ku daabacay hal bog oo Carrd ah, kadibna wuxuu link-ka u diray shirkado uu shaqo ka rabo.


Isbarbardhig Kooban

QalabKu Habboon YahayNooca WebsiteFaa’iidooyin
Google SitesArday, MacallinCasharro, PortfolioFudud, degdeg ah
WordPressGanacsade, Blog-qoreBlog, PortfolioQurux badan, ballaaran
BloggerQoraa, WarbaahinBlogSi toos ah u shaqeeya
CarrdShaqo raadiye, mashruuc1-page siteSimple & modern

Gunaanad

Website ma ahan wax adag. Waxaad u baahan tahay:

  • Qalab internet leh (mobile ama laptop)
  • Fikrad aad rabto in aad la wadaagto
  • Dadaal 1 maalin ah si aad u bilowdo

Soomaalidu waxay u baahan yihiin in codkooda la maqlo. Waxaad maanta samayn kartaa website adigoo aan wax kharash ah gelin.


Maxaad Sameyn Kartaa Hadda?

✔️ Dooro mid ka mid ah 4-ta qalab ee kor ku xusan
✔️ Qor magaca boggaaga xitaa haddii uu fudud yahay
✔️ Ku dar sawir, qoraal, wax yar kadibna daabac
✔️ La wadaag asxaabtaada ama shaqo-bixiyeyaasha


Websitekaaga hoos ku so qor sidi dadka uu arkaan.

Ma qabtaa su’aal, fikrad ama mashruuc aad rabto inaad nala wadaagto? Waxaan jeclaan lahayn inaan kula xiriirno ama nala soo xiriir.

Sido kale akhrisoo: Sidee Caqliga la farsameeyay (AI) u ogaan karaa Warar Been Abuur ah? (Fake News)

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top