Awoodda Internet-ka iyo Sidee Ay U Saameyso Aduunka oo Dhan
Yanis Varoufakis waa dhaqaaleyahan caan ah. Wuxuu sheegayaa in shirkado waaweyn sida Amazon ay leeyihiin awood aad u badan. Shirkadahaan waxay xukumaan internet-ka, waxayna saamayn ku leeyihiin sida dadku wax u iibsadaan, lacagta la kasbado, iyo shaqada.
Shirkado Awood Badan Leh
Hore, shirkaduhu waxay sameyn jireen lacag, kadibna waxay lacagta dib ugu celin jireen bulshada. Laakiin maanta, shirkadaha waaweyn sida Amazon iyo Google waxay lacag badan ka helaan dadka, laakin kuma celiyaan bulshada. Waxay iska leeyihiin goobaha internet-ka ee dadka wax ku iibsadaan ama ku iibiyaan. Dadka yaryar ama ganacsatada yaryar ma helaan fursad la mid ah.
Data Waa Dahab
Shirkadahaan waxay ururiyaan xogta dad badan. Tusaale ahaan, Amazon waxay ogtahay waxaad raadineyso, waxaad iibsato, iyo waxyaabaha aad jeceshahay. Xogtaan waxay u isticmaalaan si ay kuu fahmaan oo ay kuu tusaan waxyaabo badan oo ay rabaan inaad iibsato.
Caawinta Caqliga la Farsameeyay (AI)
Shirkadaha waaweyn waxay isticmaalaan AI. Tani waa maskaxda computer-ka. AI waxay go’aamisaa waxa aad aragto marka aad internet-ka gasho, sida qiimaha waxyaabaha isbedelo, iyo cidda aad aragto marka aad wax raadineyso. Nasiib darro, dadka caadiga ah kuma hayaan wax awood ah AI-da.
Ma Bixiyaan Canshuur
Varoufakis wuxuu sheegay in shirkadaha sida Amazon ay kasbadaan balaayiin doolar Yurub, laakiin ma bixiyaan canshuur ku filan. Taasi waxay ka dhigeysaa in lacagta ay qaataan aysan ka faa’iideysan bulshooyinka. Wadamadaasi ma helaan lacag ay ugu adeegaan caafimaadka, iskuulada, ama wadooyinka.
Qofka Yar Ma Helo Fursad
Ganacsatada yaryar ma la tartami karaan shirkadaha waaweyn. Dadka ka shaqeeya ee rarka (packing) ama dirista (shipping) sameeya, waxay helaan lacag yar, laakiin madaxda shirkada waxay helaan faa’iido badan. Tani waxay abuurtaa cadaalad darro. Qaar wax badan helaan, qaarna wax yar.
Afrika iyo Soomaaliya
Xitaa haddii dadka Soomaaliya aysan isticmaalin Amazon, haddana saamaynta shirkadahan wey gaartay Afrika. Tusaale ahaan, qof Soomaaliyeed oo raba inuu wax ku iibiyo internet-ka wuxuu la kulmaa caqabado badan. Waxaa laga yaabaa inuusan helin fursad uu kaga muuqdo goobaha waaweyn, ama lacagaha loo isticmaalo aysan u fududeyn.
Sidoo kale, Soomaaliya ma lahan server-yo ama data centers u gaar ah. Tani waxay ka dhigeysaa in xogta ay maamulaan shirkado shisheeye, taasoo keenta in dhaqaalaha dalka uu ka baxo.
Maxaa La Sameyn Karaa?
Varoufakis wuxuu leeyahay: waa inaan fahannaa sida internet-ka iyo AI loo isticmaalo si ay dad gaar ah u xukumaan. Marka aan fahamno sida ay wax u dhacayaan, markaas ayaan isbedel samayn karnaa. Wadamada waa inay sameeyaan sharciyo wanaagsan, iyo inay dhistaan system internet u gaar ah.
Teknolojiyada ma xuma, laakiin su’aasha waa: yaa ka faa’iideysanaya? Waa inaan xaqiijinno in teknoolojiyadda ay u shaqeyso dadka, oo aysan noqon mid dadka dhibaateysa.
Ma qabtaa su’aal, fikrad ama mashruuc aad rabto inaad nala wadaagto? Waxaan jeclaan lahayn inaan kula xiriirno ama nala soo xiriir. Comment, like and share sidaan dadkeena wax uu barno.
Sido kale akhriso: Hub Aan Dadku Maamulayn: Soomaaliya iyo Halista AI-da Dagaalka