5-ka Qalab ee Ugu Wanaagsan ee Lagu Sameeyo Muuqaallo AI ah

5-ka Qalab ee Ugu Wanaagsan ee Lagu Sameeyo Muuqaallo AI ah

5-ka Qalab ee Ugu Wanaagsan ee Lagu Sameeyo Muuqaallo AI ah

Dunida maanta, waxaad sameyn kartaa muuqaal cajiib ah adigoo aan wax xirfad gaar ah u baahnayn. Qalabka AI (caqliga la farsameeyay) ayaa kuu fududeynaya inaad abuurto muuqaalka aad rabto adigoo kaliya qoraya waxa aad dooneyso.

Laakiin su’aashu waa: qalabkee ayaa sax ah? midkee ayaa imaanaya?
Bloggan wuxuu kuu sharxayaa 5 qalab oo jira mise soo socdo sanadkaan 2025, si ay bulshadeena Soomaaliyeed uga faa’iideystaan si wanaagsan.


Waa kuwee qalabyada iyo xaaladdooda hadda?

Veo 3 (Google DeepMind)

Waxaad ku adeegsan kartaa Veo 3 adigoo isticmaalaya Gemini app (moobil) ama Web (browser), iyo Google Vids, haddii aad haysato rukhsadda Google AI Pro ama Ultra. Muuqaalada la abuurayo waa ku dhowaad 8 seconds, tayo ahaan waa 720p, waana ay leeyihiin cod (audio).


Sora (OpenAI)

Sora waa aalad weyn oo ay dhistay OpenAI (kuwa sameeyay ChatGPT). Muuqaalada lagu sameeyo qoraal kaliya. Tusaale ahaan: “wiil caruur ah oo xeebta ku ciyaaraya.”Tan iyo bishii June 2025, shirkadda Microsoft waxay Sora ku dhex dartay app-ka Bing. Taas oo kuu ogolaaneysa inaad: Sameyso 10 muuqaal oo gaagaaban bilaash ah. cod ma jiro(no audio)

Laakiin: chatgpt pro/plus

🛈 Xaaladda: hadaa aad bixisis chatgpt.


Pika Labs

Pika waa aalad dad badan ay hadda si toos ah u isticmaalaan. Waxay abuurtaa animation dhaqaaqaya. Aad bay ugu fiican tahay muuqaal caruureed, ama sheeko hal abuur leh.

🛈 Xaaladda: Furan, waa inaad iska diiwaan gelisaa boggooda.


Runway ML

Qalabkan waa mid si fiican loogu yaqaan dunida hal-abuurka. Waxaad ku samayn kartaa muuqaal, cod, editing iyo xitaa “video inpainting”. Waxaa jira nooc lacag la’aan ah, iyo mid premium ah.

🛈 Xaaladda: Furan, nooc bilaash ah + nooc lacag ah.


Luma AI

Luma waa qalab kuu beddeli kara sawir ama muuqaal caadi ah ilaa 3D muuqaal leh. Waxaa loo isticmaalaa waxbarasho, bandhigyo iyo filimaan yaryar.

🛈 Xaaladda: Furan, waxaa laga heli karaa iPhone, App Store iyo browser-ka web.


Faa’iidooyin iyo Qasaarooyin:

QalabFaa’iidooyinQasaarooyin
Veo 3Muuqaal tayo-sare lehWuxuu abuurayaa kaliya 8 ilbiriqsi (seconds) video.
Ma habboona haddii aad rabto muuqaal dheer ama taxan
SoraFahmo qoraal wanaagsanchatgpt pro/plus
Pika LabsKu fiican animationXaddidan muuqaal ahaan
RunwayEditing + cod + muuqaalQaar ka mid ah features waa lacag
Luma AIMuuqaal 3D oo hal-abuur lehKu adag dadka cusub ee aan aqoon 3D

Yaa Isticmaali kara?

  • Arday iyo carruur: Pika Labs & Runway (waxbarasho ama sheekooyin)
  • Barayaal iyo waalidiin: Runway & Luma AI (si loo sharxo casharro ama u sameeyo muuqaal cilmiyeysan)
  • Ganacsato iyo hal-abuurayaal: Veo 3 ama, Sora mise Runway (xayeysiis, bandhig)

Tusaalooyin sidi aad uu isticmaali kartid:

  • Sheeko caruureed oo animation ah oo Qur’aan ama akhlaaq baraysa
  • Muuqaal sharaxaya taariikhda Soomaaliyeed
  • Animation loogu talagalay barashada xisaabta ama biology
  • Muuqaal 3D ah oo lagu barayo jirdhiska carruurta

Gunaanad: Kee Baa Kugu Habboon?

  • Haddii aad bilow tahay: isku day Pika Labs ama Runway
  • Haddii aad rabto muuqaal tayo sare leh: Veo 3,Sora ama Runway
  • Haddii aad rabto 3D muuqaal gaar ah: isku day Luma AI

Digniin

Fadlan ogow: Qalabka AI waa qalab oo kaliya waxa muhiimka ah waa:

  1. Waxaad ku sameyso (mawduuca)
  2. Sida aad u isticmaasho (ujeeddo iyo niyad)
  3. Inuu kheyr keeno ama dhibaato

❌ Ka Fogoow:

  • Muuqaallo nacayb abuura sida “Somaliland ma jirto”
  • Weedho sharaf dhac ah sida nin iyo naag isdagalaayo “Xalimo iyo Faarax”
  • Muuqaallo dumarka aan asturneyn muujinaya
  • Fake news ama been abuur
  • Ku mashquulid wax aan faa’iido lahayn (waxa ka mid noqon kara riya’ – ismuujin)

✅ Samee:

  • Waxbarasho (Qur’aan, diinta, taariikhda)
  • Hal-abuur anshax leh
  • Midnimo, horumar, iyo wanaag

AI waa nimco, balse haddii si xun loo isticmaalo, waxay noqon kartaa fitno.
Islaamka wuxuu inagu farayaa in aan niyaddeenna saxno, oo aan u adeegsan wax kheyr keena.


Talo: Haddii aad hubin waxa aad abuurayso in ee tahay xalaal mise xaraan, la tasho culimada. Mas’uul aan ka nahay hal-abuurkeenna.


Diyaar Ma U Tahay Inaad Bilaawdo?

Dooro qalab fudud, bilaaw wax wanaagsan, kana qeyb noqo jiilkii Soomaali hal-abuur leh oo aqoonta iyo teknoolojiyadda horay u wada.


Ma qabtaa su’aal, fikrad ama mashruuc aad rabto inaad nala wadaagto? Waxaan jeclaan lahayn inaan kula xiriirno ama nala soo xiriir.

Sido kale akhriso: Sidee Loo Baranayaa AI Luuqadda Soomaaliga? (NLP)

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *