Wareysi Hon.Dr Cabdi Cali “Sidee AI Dhaqaalaha Somalia uu kobcin karto”

Wareysi Hon.Dr Cabdi Cali Side AI Dhaqaalaha Somalia uu kobcin karto

Wareysi Hon.Dr Cabdi Cali “Sidee AI Dhaqaalaha Somalia uu kobcin karto”

Artificial Intelligence (AI) waxay kordhin kartaa waxtarka waxyaabaha lagu qabanayo waxayna si weyn u hagaajineysaa habka go’aan qaadashada iyadoo la falanqeynayo xog fara badan.

Qaybtan waxaan ka hadlaynaa side Artificial Intelligence dhaqaalaha Soomaliya uga faa’iideyeen karto.

Waxaan wareysenay Dr. Cabdi Cali Xasan oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Sido kale Dr Cabdi Cali Xasan waa Professor of Economics oo ka shaqeeya Somali National University.

Soomaaliya waxay leedahay rajo wanaagsan oo dhanka horumarka ah. Goobta juqraafi ahaan ay ku leedahay marinka dariiqyada ganacsiga ee muhiimka ah waxay siin kartaa fursado wanaagsan dhanka horumarinta ganacsiga. Waddanku wuxuu leeyahay ganacsiyo gaar loo leeyahay oo firfircoon iyo kheyraad dabiici ah oo aan wali laga faa’iideysan, oo ay ku jiraan saliid iyo gaas. Kalluumeysiga iyo beeraha ayaa ah fursado dhaqaale iyo ganacsi oo u sahli kara dalka inuu gaaro horumar dhaqaale. Maxaad nooga sheegi kartaa arrimahaan?

Dhisida dakadaha: In aan xooga saarno dhisida D]dakadaha isku xira wadamada dhaca galbeedka iyo bariga Badweynta Hindiya. Wadadaas oo isku xirta dad kabadan 4.5 Bilyan.

Saktarka dalxiiska: Inaan hormarino Saktarka Dalxiiska oo aan dhisi karno in kabadan 100 magaalo dalxiis, Maadaama aan leenahay xeeb dhererkeedu yahay 3333km Bada Cas iyo Badweynta Hindiya.

Saktarka kaluunka: Hormarinta saktarka Kaluunka. 1kg oo( king fish) ah waa $3 FOB at Mogadishu airport or port.

Saktarka beeraha: Waxaan leenahay cimilo sanadka oo dhan wax lagu beeran karo iyo dhulbeereed baaxadiisu aad u wayn yahay hadana inta la beerrto aysan ka badnayn 17%.

Saktarka xoolaha: Waxaan leenahay xoolaha ugu badan aduunka marka la barbardhigo tirade dadka. > 60% geela aduunka, Arri, Lo’ iyo iddo. Hilibku waa cuntada ugu qaalisan oo la cuno. Borotiin oo ah kan loogu baahi badan yahay.

Mawjadda isbeddelka tiknoolajiga dhijitaalka ah ayaa dib u qaabaynaysa dhammaan warshadaha. AI waa mid ka mid ah tiirarka aasaaska u ah kobcinta tiknoolajiyada warshadaha. Teknolojiyadaha arrintan xoojinaya – sida IoT, 5G, cloud computing, big data analytics, smart sensors, augmented reality, 3D printing and robotics – waxay u badan tahay inay wax ka beddelaan soo saarka hal nidaam internet oo farsamada dhijitaalka ah, internetka iyo wax soo saarku yihiin kuwo isku milmay oo hal ah. Sideed u maleyneysaa in isbedelkan qaab-dhismeed ka tiknoolajiyadahaasi uu saameynayo guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliya?

Soomaaliya waxay haysataa fursad ay ku dhisi karto kaabahaan tegnoolajiyada casriga ah. Hayad walba oo la dhisaya ay ku saleeyso kaabaheeda dhaqaale. Taas waxay soomaaliya ka dhigi doontaa dalka ugu casrisan aduunka uguna raqiisan adeegyada aydoo ay u dheertahay istaraateejiyadda juquraafi.

Waxaa kaloo na caawini doona in soomaalidi ay ku nooshahay aduunka oo dhan oo ay sahlanaan doonto inaan badeecadaheena iyo adeegyadeenaba inaan kusoo bandhigno suuqyada caalamka anaga oo aan qaloonayn oo muwaadin ah.

Daraasadaha intooda badani waxay saadaalinayaan in AI ay saameyn dhaqaale oo weyn yeelan doonto. Cilmi-baaris ay soo saartay shirkadda la-talinta ee Accenture oo ka kooban 12 dal oo horumaray, kuwaas oo marka la isku daro soo saara in ka badan 50% wax soo saarka dhaqaalaha adduunka, waxay saadaalinayaan in sannadka 2035, AI ay laba-laabi karto heerka kobaca dhaqaalaha adduunka. AI waxay ku wadi doontaa kobaca seddex siyaabood oo muhiim ah. Marka hore, waxay u horseedi doontaa koror xoog leh ee wax soosaarka shaqaalaha (illaa 40%) sababo la xiriira teknoolojiyad casri ah oo awood u siineysa maareynta waqtiga la xiriirta shaqaalaha ee la taaban karo. Marka labaad, AI waxay abuuri doontaa shaqaale cusub oo bedelaya dadka hawshana ay qabanayaan makiinado caqli badan – oo lagu sharaxay inay yihiin wax soosaarka iswada ee warbixinta – awood u leh xalinta dhibaatooyinka iyo is-barashada. Saddex, dhaqaalaha ayaa sidoo kale ka faa’iideysan doona faafinta hal-abuurka, taas oo saameyn doonta qeybaha kala duwan isla markaana abuuri doonta ilo dakhli oo cusub. AI intee in le’eg ayuu saameyn ku yeelanayaa ganacsiyada, macaamiisha iyo dhaqaalaha Soomaaliya hadda?

Maadaama uu ganacsiga soomaaliya ee mustaqbalka u badnaan doono saktarka adeega AI waxaa uu noqon doonaa saameeyasha ugu muhiimsan Ganacsiga Soomaaliya.

Tirada ugu badan ee shatiyada la xiriirta AI waxay ku saabsan yihiin  dhinacyada isgaarsiinta, gaadiidka, sayniska nolosha iyo caafimaadka, iyo aalado shaqsiyeed oo xisaabiya isdhexgalka aadanaha iyo kombiyuutarka. Miyaad u malayn inay la gudboon tahay waddan sida Soomaaliya oo kale ah inay billaabaan maalgelinta cilmi baarista iyo horumarinta AI? Sideed u aragtaa taageerada ay dowladdu siiso warshadaha iyo tacliinta?

Waxaan aaminsanahay in maalgelinta cilmi baarista iyo horumarinta AI wax muhiim tahay oo loo baahanyahay.

Waxaa sii xoogaysanaya taageerad Dawlada ee ku aadan tacliinta iyo shuruucda sahlaya in ay dalka ka samaysmaan warshado casri ah oo la tartami kara caalamka.

0 0 to vote
Article rating

Leave a Reply

0 Comments
Inline feedbacks
View all comments

Translate »
0
We love your thoughts, please commentx
%d bloggers like this: