Fasoft AI Research and Technology Company

Fasoft AI Research and Technology Company

Fasoft AI Research and Technology Company

Shirkada artificial intelligence (AI) Fasoft wa shirkad casri ah oo ku dhiirrigelisa wacyiga AI iyo technologyga AI Somalia.

ujeedada Fasoft

Wa maxay Artificial Intelligence

Mawjadda isbeddelka tiknoolajiga dhijitaalka ah ayaa dib u qaabaynaysa dhammaan warshadaha. AI waa mid ka mid ah tiirarka aasaaska u ah kobcinta tiknoolajiyada warshadaha. Teknolojiyadaha arrintan xoojinaya – sida IoT, 5G, cloud computing, big data analytics, smart sensors, augmented reality, 3D printing and robotics – waxay u badan tahay inay wax ka beddelaan soo saarka hal nidaam internet oo farsamada dhijitaalka ah, internetka iyo wax soo saarku yihiin kuwo isku milmay oo hal ah.

Hoos waxaan ku sharaxeynaa qaar ka mid ah tiknoolajiyaddan.

Internet of things (IOT)

Isku xirka iyo is-dhaafsiga xogta aaladaha iyo nidaamyada kale ee internetka waxa la dhaha internet of things (IOT).

Cloud computing

Tiknoolajiyada isticmaasha internetka kaydinta iyo maaraynta(manages) xogta server-yada. Mid ka mid ah tusaalooyinka noocan ah waa Google Cloud – Waa qayb ka mid ah adeegyada daruuraha dadweynaha ee ay bixiso Google.

Big data analytics

Habka loo baarayo noocyada xogta ee ballaaran oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo xog ah – si loo ogaado informationka qarsoon, isbeddellada suuqa, dookha macaamiisha, iyo macluumaad kale oo faa’iido uu leh shirkadaha.

Smart Sensors

Smart sensor waa aalad qaadata talooyinka ka imanaya external devices(qalab technology) una adeegsata si ay u fuliso hawlo horay loo sii cayimay(specified). Smart sensor wuxu ku sheega isbeddelada ka dhaca deegaanka loona diro macluumaadka elektaroonigga kale.

Smart Farming

Halke AI loo isticmaala?

Tirada ugu badan ee shatiyada la xiriirta AI waxay ku saabsan yihiin  dhinacyada isgaarsiinta, sayniska nolosha, caafimaadka, gaadiidka, iyo aalado shaqsiyeed oo xisaabiya isdhexgalka aadanaha iyo kombiyuutarka.

Mustaqbalka AI

Daraasadaha (Research) intooda badani waxay saadaalinayaan in AI ay saameyn dhaqaale oo weyn yeelan doonto oo maanta xitaa la arko oo aduunka inta badan isticmalaan.

AI waxay ku wadi doontaa kobaca seddex siyaabood oo muhiim ah. Marka hore, waxay u horseedi doontaa koror xoog leh ee wax soosaarka shaqaalaha (illaa 40%) sababo la xiriira teknoolojiyad casri ah oo awood u siineysa maareynta waqtiga la xiriirta shaqaalaha ee la taaban karo.

Labaad, AI waxay abuuri doontaa shaqaale cusub oo bedelaya dadka hawshana ay qabanayaan makiinado caqli badan – oo lagu sharaxay inay yihiin wax soosaarka iswada ee warbixinta – awood u leh xalinta dhibaatooyinka iyo is-barashada.

Sadaxaad, Dhaqaalaha ayaa sidoo kale ka faa’iideysan doona faafinta hal-abuurka, taas oo saameyn doonta qeybaha kala duwan isla markaana abuuri doonta ilo dakhli oo cusub. 

Ujeedada Fasoft

Artificial intelligence muhiimadiisu waxee tahay in shaqooyinka computer qabto lahormariyo lagana dhigo mid fahmi kara oo lajaan qaadi kara qofka bini aadamka ah.

Hadaa Fasoft nahnay waxaan isweydiinay, sidee Soomaaliya ay uga bilaabi kartaa ka qeyb galka ku shaqeenta iyo isticmaalka AI? Waxa ugu horeeyo in dalka laga hirgaliyo Machadyo lagu barto cilmiga AI (AI Schools) iyo wacyi galin shirkadaha Somalia. Kadib laga fikiro techology cusub ee isticmaali karaan shirkadaha.

Horumarinta AI Somalia

Waxaan aaminsanahay in maalgelinta cilmi baarista iyo horumarinta AI wax muhiim tahay oo loo baahanyahay. Aduunka kale fahmeen ee hada naga hormarsanyihiin.

Sida aan ku gaari karna ku guuleysiga adeegsiga waxa waaye:

  • Tababarka AI
  • Isticmaalka xogta (data)
  • Digital infrastructure (data centers)

Sidoo kale akhri: Dhisida bulshada AI Soomaaliya

5 1 Vote
Article rating

Leave a Reply

1 Reaction
Oldest
Newest Most voted
Inline feedbacks
View all comments
Ahmed_hass1@hotmail.com
Ahmed_hass1@hotmail.com
2 Years ago

Wa mashallaah


Translate »
1
0
We love your thoughts, please commentx
%d bloggers like this: