Day: December 6, 2020

Cabdiraxman Cismaan Xaashi oo ka hadlaya aragtidiisa ku aadan Tecknologiyada AI (Artificial Intelligence) ee dalka Somalia.

Cabdiraxman Cismaan Xaashi oo ka hadlaya aragtidiisa ku aadan Tecknologiyada AI ee dalka Somalia.

Cabdiraxman Cismaan Xaashi oo ka hadlaya aragtidiisa ku aadan Tecknologiyada AI (Artificial Intelligence) ee dalka Somalia.

Waxaan marnaba la iska indha tiri karin in Tiknoloojiyadu eey sii hor mareyso malinba malinta ka dambeyso, iyada oo ey ugu wacan tahay xaddiga xogta (data) la keeydiyo oo qiyaastii ka badan 2.5 quintillion bytes si maalin le ah. Si xogtaas la aruuriyay eey u noqoto mid si togan looga faa’ideysto mustaqbalka dhow, iyadoo odorosid lagu sameynayo (Prediction), ayaa waxaa laga ma maarmaan ah in la helo Computer ama aalad awoodi karta in la (process) gareeyo xogtaas.

Computer awood noocaas leh waxuu u baahan yahay dad leh qibrado kala duwan sida culuumta dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Aminga iyo Isgaarsiinta iwm. Waana sababta igu qasabtay inaan ka mid noqdo qubarada baarta Tecknoologiyada IA isla markaasna eega sida dadkayaga ooga faa’ideysan karaan culuumtan casriga ah.

Inkastoo Somalia ay maanta tahay dal sabool ah, haddana waxaan u arkaa in AI (Artificial Intellegence) uu yahay cilmi u suurtagalin karo Somalia inay hiigsato horumar mustaqbalka dhow.

Wallow eey jiraan caqabado aad u badan oo ku gadaaman helida xogihii loo baahnaa (Data) tasoo eey ugu wacantahay Somalida oo qiyaas ahaan 85% wax ku xisaabiya qalinka ama waxa looyaqaan (manual transaction), hadana waxaa jira qeybo badan oo laga hir galin karo, sida: Waxbarashada, Caafimaadka, ka hortaga masiibooyinka iyo sugida amniga. Waxaase wax aad loogu farxo ah in 6-dii sano ee u dambeysay, qiyaas ahaan 15% dadka somaliyeed eey ka soo guureen (manual systems) una soo guureen (computerized systems).

Taasoo yidadiilo fiican ku abuuri karto qof walbo oo jecel inuu somaliya ka hirgaliyo Artificial Intelligence qeybaha kala duwan ee aan kor kusoo xusnay.

Hirgalinta AI dalka Somaliya

Sida eey ila tahay hirgalinta AI, waxaa ka muhiimsan helista baahi jirto ee la doonayo in lagu xaliyo. Somaliya oo ah wadan aanan laheyn (Centralized Database) ayeey si guud adagtahay in laga hirgaliya AI waloow eey jirto baahiyo badan oo ey dadku u qabaan helista AI. Tusaale, Shirkadaha isgaarsinta ee dalka ayaa ah kuwa ugu baahida badan helista ama isticmaalida AI, waloow eysan dareensaneen in eey jirto baahidaas. Si guud, anigoo og in caqabado badan eey jiraan, waxaan hadana la dafiri karin ineey banaan tahay fursado badan oo lagu abuurikaro baahiyo oo eeysan dadku ku baraarugsaneyn taasoo lagu hormarin karo qeybo kala duwan oo wadanka ah sida; Arimaha Dhaqaalaha, Waxbarashada, Isgaarsinta iyo Caafimadka.

Diyaar u ahaanshaha AI ee dadka somaliyed ayaa ah mid aad u yar. Tasoo eey ugu wacan tahay, in Bulshada Somaliyed eey u badan yihin ineey wax kastaa oo shaqa’ah qalinka ku xisaabiyan (manual transaction), waloow number yar eey hada usoo guureen iney isticmaalaan Database system sidaan horayba u sheegay. Waxaan halkaan ka qiyaas qaadan karnaa in Somalidu eeysan aheyn dad u diyaarsan xiligan balse eey u baahan yihiin wax fahan- siiya.

AI xagga waxbarashada (AI-assisted education): Machadyada waa in ee isticmalaan AI

Machadyada waa iney bartaan isticmaalka AI, tasoo caawin laheyd macalimiinta iyo ardayda una sahli laheyd maamulka machadyada waxbarashada in eey si sahlan ula socon karaan heerka fahamka arday kasta iyo si guud jaantuska? fasalwaliba.Tusaale, waxeey AI ardayda ka caawin kartaa ineey noocyo kala duwan oo sharaxaad ah siiso tusale: (qoraal, sawir ama jaantus). Sidoo kale ardaygu wixii uusan fahmin waxuu dib ula noqon karaa AI, oo xili walba diyaar u ah iney weeydimaha ardayga ka warceliso. Tasoo ka dhigan iney mesha ka baxday ku tiirsanaantii joogtada aheyd ee macalinka isla markaana kor u qaadeysa heerka waxbarasho. Baahiyahaas oo dhan oo si wacan loo sharaxay hadii Jaantus? loogu soo bandhigo Machadyada dalka, waxeey ila tahay in laga dhaadhicin karo oo eey aqbli doonaan.

Waxa ugu horeeyo oo aan jeclaan laha ayaa ah in dalka laga hirgaliyo Machadyo lagu barto cilmiga AI. Sababta aan taas u leeyahay ayaa ah:

  1. Fahamka Guud ee Somalida ka heystaan AI ayaa ah mid qaldan marka laga reebo dad yar oo wax ka aqriyay maahane. Qofka Soomaaliga ah markaad AI u sheegto, durba waxa maskaxdiisa ku soo dhacaayo ama uu ka aaminsan yahay ayaa ah in AI, ay tahay (Robot), balse Robot-ku waa qeyb ka mid ah AI. Sidaa darteed, waa in la helaa Machadyo soo saaro arday Soomaaliyeed oo culuumta AI baratay. Tasoo badali doonta fahamka qaldan ee Bulshadu ka heysato AI.
  2. In la helo Bandhigyo lagu soo bandhigaayo waxtarka AI. Badanaa Somalidu waa dad wax ku fahmo wax tusid(Demonstration) marka eey arkaan qof meel mariyey isticmaalka AI, eeyna arkaan waxtarka eey leedahay; ayuunbeey aamini karaan. Taas ayaana nagu kalifeeyso in lahelo machadyo soo bandhigi kara waxtarka AI.
  3.  Baaahi kastaa waxeey u baahan tahay dad xalkeedi keeni kara sidaa darteed, waa in la helaa arday Somaliyeed oo awoodi karta ineey xaliyaan baahiyaha la qabo iyagoo isticmaalaya AI Tecknooliji. Si ardaydaas loo helo waxaa lagama maarmaan ah in lahelo halkii lagu diyaarin lahaa oo ah machadyada. Tusaale, sanadkii (2000) waxaa adkeeyd inaad Somaliya gudaheeda aad ka hesho qof (develop) gareyn karo (Desktop application ama Web Application) tasoo eey dadku ku qasbanaayeen in la raadiyo dad ajaaanib ah. Balse manta oo ah 20 sano kadib waxaa la heli karaa qiyaastii kumanaan (Software developers) ah oo baahidaas dabooli karaan. Si eeysan u dhacin in Baahidu soo hormarto, waa in la diyaariyaa dadkii xalin lahaa baahiyaha jiro.

Gunaanad, anigoo og in caqabado badan jiraan hadane waxaa lagama maarmaan ah in dalku u baahan yahay in laga hirgaliyo cilmiga AI. Iyadoo ugu horeyn dadka loo sharaxayo faa’iidada eey leedahay isticmaalida AI, hadii eey ahaan laheyd kordhinta wax soo saarka dalka, tayeenta caafimadka iyo waxbarashada iyo sameynta suuq geeynta badeecooyin.

Sidoo kale akhri: Waxyaalaha wax soo saar leh ee aad sameen kartid waqtigaaga firaaqada


Translate »