Day: October 6, 2020

9 jeeyr oo adiga Artificial Intelligence isticmaalshid

9 jeeyr oo adiga Artificial Intelligence isticmaalshid

9 jeeyr oo adiga Artificial Intelligence isticmaalshid

Tusaalooyinkaan waxay muujinayaan sida aad horeyba u isticmaaleysey AI maalmeedkaaga.

AI waxay ka caawisaa meel kasta oo nolosheena ah, tusaalo haddii aan isku dayno inaan aqrino emaylkeena, in aan helno tilmaamaha wadista, ama hadi aan bilowno ganacsi cusub.

Sida Artificial Intelligence u hagaajiyo isgaarsiinta Emailka

Filtirka emaylka ee Gmail Google wuxuu adeegsadaa AI si loo hubiyo emaylka ku soo dhacaya sanduuqaaga uu sax yahay. Shaandheeyaashoodu waxay isku dayaan inay u kala soocaan emailska qaybaha soo socda:

  • Primary
  • Social
  • Promotions
  • Updates
  • Forums
  • Spam

Tusaale ahaan, Gmail waxay u kala soocdaa emayl ahaan 4 qaybood oo kala duwan, waxayna ka saarta spam emaylka.

Google waxay tiri AI-ku shaqeeya wuxu ka hortaga in ka badan 99% spam in ay galaan sanduuqaaga.

9 jeeyr oo adiga Artificial Intelligence isticmaalshid

1. Jawaabaha caqli badan ee Gmail

Jawaabaha caqliga badan waxay siiyaan dadka isticmaalaya hab ay kaga jawaabaan emayllada si fudud, sida “Thanks!” ama “Let’s do it!” adiga waa tabanesa.


Jawaabaha caqliga leh waxaa loogu talagalay emayl kasta. Isticmaalayaasha ayaa ku jawaabi kara adoo garaacaya jawaabta ama waxay dooran karaan hal-guji jawaab celin caqli badan. Tusaale ahaan, haddii aad qof u dirto emayl ku saabsan sii dawadsho filim soo socda oo ay kuugu jawaabaan si ay kuu ogeysiiyaan in aad xiiseyneysid filimkaan.

Jawaabaha caqliga badan waxay isku dayaan inay qoraan qaabka qoraalkaaga shaqsiyeed, waxay qabtaan shaqo aad u wanaagsan oo ah habka aad dhab ahaan ugu jawaabi lahayd.

2. Xusuusin ah Gmail

Gmail wuxuu ku xasuusinayaa in aad raacdo emayllada aad iska indhatirtay ama ilowday. Adeegsiga AI, Gmail wuxuu isku dayaa inuu go’aansado emaylka u baahan jawaab, ka dibna wuxuu iftiiminayaa dhowr maalmood. Tusaalahan hoos firi sidi u shaqeeyo xusuusinta.

Xusuusinta Gmail wuxu ku siinaya waddo aad si dhakhso leh liiska emaylka oo aad u aqoonsato kuwa u baahan fiirsi gaar ah.

Sida Cilmiga Artificial Intelligence u Hormariyo Baraha Bulshada

AI ayaa u fududeynaya qofki isticmaalayo inay helaan iyo ay la xiriiraan asxaabta mise ganacsatada la shaqeysa. Qaar ka mid oo isticmaala AI sida warbaahinta bulshada:

3. LinkedIn

AI waxaa loo isticmaalaa in lagu caawiyo isbarbar dhigga musharrixiinta shaqooyinka. Iyada oo la rajeynayo in la abuuro tartamo ka wanaagsan shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha.

LinkedIn waxay sharraxaysaa in ay adeegsadaan aragtiyo qoto dheer oo saadaal uga bixiyaan cidda shaqada quseysa oo keliya.

4. Pinterest

Pinterest wuxuu adeegsadaa AI si uu aqoonsado sawirrada. Sawir la qaado pinterest wuxu hela mid la mid ah. Waxaad heli karta xitaa in aad hesho iibiyaha alaabta si aad u iibsan karto sheyga la sawiray.

5. Chatbots

Chatbots waxay aqoonsadaan ereyada iyo jumladaha. Mararka qaarkood, sheekooyinku waa sax oo waxay umuuqataa inaad la hadlayso qof dhab ah.
Tusaale ahaan, wadahadalka sheekada ee sawirka hoose wuxuu muujinayaa in AI loo isticmaalay balanta timo jaraha.

Chatbots waxay isku dayaan inay qoraan luqadda dabiiciga ah, maadaama ay ka caawiyaan howlaha caadiga ah sida ballamaha, ama ka jawaabista su’aalaha.

6. Facebook

Facebook wuxuu bilaabay baaris firfircoon oo logu baaro qoraallada si loo ogaado. Hadi qoraal la qoro oo dadka dhibato uu kenaayo wa la ogaana isla marki.

Sida Artificial Intelligence uga Caawiyaa Baarista Webka

In mudo ah AI waxaa loo isticmaalayay raadinta Google.

7. Saadaalinta Google

Markaad bilowdo qorista erey aad raadineysid, Google waxay kuu sameyneysaa talo bixinno aad ka dooraneysid, taasi waa AI.

Sadaashu waxay ku saleysan tahay xogta ay Google kaa aruuriso adiga, sida meesha aad joogtid, da’dada, iyo faahfaahinta kale ee shaqsiyeed. Adeegsiga AI, mashiinka raadinta wuxuu isku dayayaa inuu qiyaaso waxaad rabtid in aad hesho.

8. Google algorithm

AI waxay wax ka barataa natiijooyinka, waxayna la qabsaneysaa waqti ka dib si ay si fiican u ogaato baahida isticmaalayaasha.
Tusaale ahaan, baaritaanka “Waa imisa qiimaha shaaha ee Shiinaha” waxay bixisay Google jawaabta ugu fiican.

9. Youtube

YouTube waxay isticmaashaa AI si loo go’aamiyo fiidiyowyada “ugu fiican” oo la daawado. In ka badan boqolkiiba 70 fiidiyowyada aad ka daawato YouTube-ka waxa ku soo-jeediya AI.

Daawadayaasha moobiilka oo 60 daqiiqo mise ka badan fiirsada Youtube AI waxay fursad u heleysaa inay dhigto fiidiyowyo badan oo AI umaleneso in aad rabtid in aad dawato.

Articlekaan waxa laga soo turjumay themanifest.com

Sido kale Akhri: Shirkada adeegsaneyso AI si ay u caawiso beeraleyda


Translate »