Day: October 5, 2020

Shirkada adeegsaneyso AI si ay u caawiso beeraleyda Afrika

Shirkada adeegsaneyso AI si ay u caawiso beeraleyda

Agrix tech oo adeegsaneyso AI si ay u caawiso beeraleyda Afrika

Cayayaanka iyo cudurada ayaa dhibaada ka dhiga wax soo saarka beeraha Soomaliya. Waxay u badan tahay inay ka sii darto sanadaha so socdo. Hadi la eego isbeddelka cimilada. Cilmi baarayaashu waxay ku doodayaan kuleylka adduunka inuu kor u qaadayo tirada dadka iyo cayayaanka.

Koox ganacsato ah oo reer Cameroon ah ayaa tijaabiyay Artificial Intelligence oo ku saleysan caawinta beeraleyda Afrika, si ay wax uga qabato cayayaanka iyo cudurada dhirta laga helo.

Agrix Tech, oo ah shirkad ku taalo magaalada Yaoundé, ayaa soo saartay barnaamij oo qaarada Afrika loogu talagay. Teknolojiyada ayaa gacan ka geysata ogaanshaha cudurada dhirta waxayna bixisaa kiimikada iyo daaweynta jireed iyo sidoo kale tallaabooyinka ka hortaga. Waxa la aasaasay bishii Ogosto 2018, kooxda ‘Agrix Tech’ waxay ka kooban tahay injineer isgaarsiineed, injineer barashada mashiinka la aqoonsan yahay, injineer soo saaraha softiweerka, expert ku takhasusay dalagyada iyo laba aqoonyahanno cilmiga beeraha ah.

Beeralaydu waxay kala tashanayaan barnaamijka Agrix tech moobilkooda, waxay iskaanka u dhigayaan muunad (sample) ka mid ah dhirta ay dhibaatadu soo gaadhay. Ka dibna waxay helayaan xalka. Barnaamijku wuxuu ku siiyaa teknolojiyad aqoonsi qoraal iyo mid cod ah. Dadka aqoonta yar xitaa ayaa isticmaali kara.

Agrix tech

Agrix Tech waxaa horay u tijaabiyay oo ay xaqiijisay hay’ad caan ku ah cilmi baarista beeraha. Nooca hal-abuurnimadu wuxuu leeyahay 99% sax ah, sida uu sheegay aasaasaheeda.

Marka nooca ganacsiga la soo saaro horraanta sanadka soo socda, wuxuu awoodi doonaa tusaale inuu ogaado cuduro badan oo ah galleyda, bariiska, basbaaska, basasha, yaanyo, baradhada, cambaha, liinta, qaraha, qajaarka, iniinyaha, timirta, iyo kuwo kale.

Agrix Tech waxaa lagu iibiyaa 15 euro sanadkii.

Sido kale Akhri: Dhisida bulshada AI Soomaliya


Translate »