Day: October 2, 2020

Dhisida bulshada AI Soomaaliya

Dhisida bulshada AI Soomaaliya

Dhisida bulshada AI Somaaliya

Xarumaha hal-abuurnimada sida Accra, Nairobi iyo Lagos, tusaale ahaan, shirkadaha tikniyoolajiyadda waxay horey u fureen xarumo AI ah si ay u taabtaan una kobciyaan hibada gobolka Afrika. Ururada waaweyn ee caalamiga ah waxay ku doodeen in horumarka AI ee Afrika ka iman doonto sida oo kale mudnaanta koowaad la siiyay awooddeeda lagu horumarinayo waxbarashada, caafimaadka, deegaanka iyo heerarka nolosha.

Waa inaan isweydiino, sidee Soomaaliya ay uga bilaabi kartaa ka qeyb galka hal-abuurnimada loo isticmaali doono? In aan ku dadaalno waaye sidii aan jawaabo ugu heli leheen arintaan. Halkan waxaa ku yaal qaar ka mid ah xalkalka ugu rajada badan AI qaaradda Afrika, gaarhaan Soomaaliya.

Dhisida bulshada AI Soomaaliya: Shabakada Maxalli ah

Kow in aan ka bilaawno abuurista shirarkeena AI. Kobaca bulshada cilmi baarayaasha AI ah oo loogu talagalay dadka iyo dhibaatooyinka Soomaaliya. Dad khibrad qoto dheer u leh, injineerada AI, ardayda qalin jabiysay oo IT barteen iyo cilmi baarayaal madax banaan.

Sanad kasta, in la abaabulo kalfadhiyo tababaro, aqoon isweydaarsiyo, cilmi baaris iyo isku xirnaan, si loo xaliyo xalalka loogu talagalay wax ka qabashada dhibaatooyinka maxalliga ah.

Somali Master’s in Machine Intelligence: Tababbarka Jiilka Soo Socda

Si Soomaaliya aan u xaqiijino ballanqaadyada AI-iyo teknoolojiyada kale ee horumarsan – waa in aan u dhisna si dhaqso badan xirfadahaas tacliinta sare.

Inta badan cilmi-baarayaasha [mashiinka sirdoonka] firfircoon iyo kuwa ku shaqeeya waxay joogaan Waqooyiga Ameerika, Yurub iyo Aasiya, halka gobollada waaweyn, oo ay ku jiraan Afrika, ay aad ugu yar yihiin matalaaddeeda.

Ai-Somalia.com waxay qorsheyneysaa inay isku xirto ganacsiyada iyo aqoonyahanada kobcaya xogta Soomaaliya si loo xaliyo caqabadaha adduunka ka jiro iyadoo la adeegsanayo barashada mashiinka iyo AI.

Waxaan sidoo kale dooneynaa inaan marti galino tartamada xogta-sayniska furan iyo hackathons ee shirkadaha, kuwa aan macaash doonka aheyn iyo dowladaha wajahaya dhibaatooyinka lagu xallin karo AI.

Si loo hormariyo horumarka AI, Soomaaliya waxay ubaahantahay warshad IT adag.

Maanta inta badan dadka waa in ay ka dhoofaan Soomaaliya si ay u helaan xirfadaha IT-ga ee ay u baahan. Si loo xaliyo dhibaatadan, waxaan dooneynaa inaan in aan helno xal wanaajin lahaa waxbarashada AI ee guud ahaan dalka. Waxaan kaloo rabnaa in dowladda Soomaaliya ay u aragto AI ahmiyada koowaad iyo taageerida dadaallada loogu adeegsanayo AI wanaagga bani-Aadamka.

Sidoo kale akhri :shuruudaha AI si fudud loogu fasiray


Translate »