Wareysi la yelanay Injineeradeena mid ka mid ah oo ka qalin jabiyay Jaamacada JUST

wareysi la yelanay Injineeradeena mid ka mid ah oo ka qalin jabiyay Jaamacada JUST

Wareysi la yelanay Injineeradeena mid ka mid ah oo ka qalin jabiyay Jaamacada JUST

Magacaygu waa MOHAMED ABDULLAHI MOHAMUD (Shuuriye). waxaan ku dhashay muqdisho 1995. waxaan Bachelor of computer application degree (with a major in Programming) ka qaatay jaamcada Jamhuriya University of science and technology, 2016. Waxaan ku qalan jabiyey GPA of 3.9 out of 4.0.

Computerka wuxuu ahaa wax aan aad u xiisenayay tani yaraanteydii. Waxaana la soo shaqeeyey ICT solution companies ee ka mid yihiin (Blue star ICT, Bravo Group, Ogaal Link).

Mar aan la shaqeenaayey Bravo Group as a software developer

Waxaan master of software engineering ka bilaabay Near East University oo kutaala Turkish Nothern Cyprus, March 2020.

Masterka markuu ii dhamaado, haddii ee ii soo bixin rajo aan kaqabo in aan PHD diyaariyo waxaan u noqon doonaa dalkeyga hooyo. Si aan cilmiga aan bartay aan uga faaiideeyo dadkeyga.

Imtixaankii u dambeeyey bachelor keyga , maadada Android mobile application development

Maxaad u xiisaynaysaa Sayniska Xogta?

Xogta sayniska waxaan u xiiseeyaa in caalamku noqday mid digital ah wax kastana ee noqdeen mid la xariirta computer.

Artificial Intelligence

Artificial intelligence muhiimadiisu waxee tahay in shaqooyinka computer qabto lahormariyo lagana dhigo mid fahmi kara oo lajaan qaadi kara qofka bini aadamka ah.

Jamhuriya University of Science and Technology (JUST)

Xirfahayga badankood waxaan ka soo faaiidey jaamacadaydii jamhuriya oo kutaal muqdisho taasoo waxbadan iga dhistay dhankstaba, hadee ahaan laheed sida team loola shaqeeyo, iyo sida loogu badalo aqoontaa baranay mid xallisa caqabadaha ka jira dalkeena.

Waxaa ilaahey mahadiis ah inaa ku guuleestay inaa noqdo ardayga ugu horeeya faculty of computer application

Casharka nolosha ugu muhiimsan

Casharka ugu muhiimsan ee noloshu ibartay ayaa ahaa in aad wax kasta oo aad hamineeso hadii aad wadadeeda qaadid ee kuu rumoobayaan waqti kasta ee noqoto.

Waxyaabaha aan hiigsanaayo sanadaha soo socda ayaa ah in aan skills keyga ballaariyo , oo aan aasaaso software engineering company aan anigu leeyahay.

Maxaad ku la talin kartaa dhalinyarada doonaya inay Somalia ka shaqeeyaan?

Talada iyo tusaalaha aan siinayo ardayda wax kubarata ama ku shaqeesa duruufaha adage ee dalka kajira ayaa ah, in haddii ee la imaadaan dadaal iyo fikir dheeri ah waxkasta badali karaan naftooda iyo dalkoodaba.

Ma ka heshay interviewga: wareysi la yelanay Injineeradeena mid ka mid ah oo ka qalin jabiyay Jaamacada JUST. Fadlan Like saar!

Sido kale Akhri: Shuruudaha AI Si Fudud Loogu Fasiray

 

 

5 1 Vote
Article rating

Leave a Reply

0 Comments
Inline feedbacks
View all comments

Translate »
0
We love your thoughts, please commentx
%d bloggers like this: