KHATARTA TIKNOOLAJIYADA LAGULA WAREEGO XOGTA DADKA U KHAASKA AH

KHATARTA TIKNOOLAJIYADA LAGULA WAREEGO XOGTA DADKA U KHAASKA AH

KHATARTA TIKNOOLAJIYADA LAGULA WAREEGO XOGTA DADKA U KHAASKA AH

Sidaan ognahay technology gu sidiisaba waa seef laba af leh. Waddamada soo koraya ama dhibaatooyinku ka dheceen, oo musuqa iyo macaluushu daashadeen islamarkaasna aan aqoon sare iyo hay’ado dawli ah oo adag aan lahayn oo danta dadkooda mar walba ka hormariya wax kasta, waxaa inta badan aad uga ugaarsada hay’ado iyo shirkado waxba aan xeerinayn oo wax walba xoog, xeel iyo xatooyo hadba kay ku helayaan ku qaadanaya.
Xogaha si gaar ah waayadaan loo kala xado waxaa ka mid ah xogta u gaarka ah shaqsiga (private personal data) ama xogta dadweynaha dal ama gobol dhan ku oo iyagoo shirkadahaasi samaynaya wax la yiraahdo “mass data harvesting”. Haddii xogahaasi gacan khaldan galaan, inkastoo xitaa marka ujeeddada horeba aan khiyaano ku jirin ay adagtahay in dammaanad loo helo xafidida xogtaas, arrintaasi cawaaqib xumo iyo khatar aan laga soo kaban karin ayay mustaqbalka ummaddeenna u leedahay haddii aan laga hortagin oo aan aad looga taxaddarin. Halisaah ku jiraa waa badanyihiin.

DHIBAATOOYINKA KA DHALAN KARA XOGTA LA XADO


Tusaale waxaa jira wax la yiraahdo “xatooyo aqoonsi” ama “identity theft” oo ah in adoo halkaan taagan qof kale adiga iska kaa dhigo wax kastoo dambi ahna magacaaga ku geli karo ayna adagtahay in la ogaado ama marka la ogaado laga gar helo. Waxaase kasii daran, haddii hiida sidahaaga la qaato adoo aan oggolaan ama hidda sidaha dad dal ama gobol deggan la aruusado oo inta laab (laboratory)la geeyo khariidda hidda sidaha qofkaas ama shacabkaas la soo dejiyo (human genome mapping) waxaa si sahlan loo fara-gelin karaa ama wax looga bedeli karaa mustaqbalka dabiicad kasta ama astaan kasta oo qofkaas ama dadkaas leeyihiin oo hidda-siduhu xambaarsanaa taasoo qayb ka ah waxa loo yaqaanno walaaqidda iyo bedelidda hiddaha (genetic manipulation) si ay uga soo baxaan noole (ama dad markaan) leh astaamo ka duwan kuwii lagu yiqiin (genetically modified organisms). Sidoo kale waxaa si sahlan lagu ogaan karaa wixii “cillad” ah – sida cudurrada la iska dhaxlo oo lagugu caaradi karo (sida shirkadaha caymiska) ama astaan fiican oo u gaar ah dadkaas/qofkaas kaasoo lagaa koobiyaysan karo adoo aan wax idan ah lagu waydiisan halkii adiga kaliya ama qowmiyaddaas Alle siiyey. Markay ugu darantahay cunto dadka hidda-sidohooda la yaqaan ay u nugulyihiin ama ku jirran karaan oo ku dhiman karaan dadka aan hidda sidahaas lahayna aan waxba u dhimayn ama xitaa dulin sida bacteria ama virus adiga kaliya u nugushahay ayaa dalkaas lagu faafin karaa ama dhalmada lagala diriro. Waa arrimaha mustaqbalka adduunyadu ka baqayso. Codkaaga oo la xado ayaa sixun loo adeegsan karaa.

XOGTAADA HADDII LA XADO LAMA SOO CELIN KARO


Haddaba, bal suurayso ama ka warran haddii furaha omputerkaaga ama telefoonkaaga ama emailkaaga ama bangigaaga lagaa xado ama la jabsado? Waa khatar weyn. Laakiin ugu yaraan furayaasha noocan ah, inkastoo laga yaabo in khasaare laga soo kaban karo lagaa gaarsiiyo, misna furihii lagaa xaday ama aad illowday oo kaa lumay waa la bedeli karaa. Xal farsamo ayaa loo heli karaa. Laakiin waxaa taas aad ugasii khatarsan haddii furaha shaqsiyaddaada la jabsado oo lagaa xado! Kan lagama daba tegi karo. Kaaga sii darane hal qof lama jabsanayo ee mararka qaar (tusaale xilliyada doorashada ama macaluuli iyo qudin dad laga yaaabo inay malaayin kor u dhaafaan dal tabar yar ka jirto) waxaa la qaadan karaa karaa xogta khaaska ah ee Qaran dhan dadkiisa oo aan fahansanayn ama ka feejignayn khatarta ku sugan isticmaalka tiknoolajiyadaha kala duwan ee suurtagaliya in xogtaas la xado. Si bareer ah (xatooyo) ama aan bareer ahayn (dayac). Waxaa laga quusan in dib dambe adigu xogtaada masuul uga noqotid.

SIDA AY KU HELAAN SHIRKADUHU XOGTA


Shirkadaha iyo hay’adaha khiyaamada ka dambeeya inta badan waxay isticmaalaan oo ka faa’iidaystaan gol-daloolooyin dalka ay markaas dadkiisa ku duulayaan uu leeyahay sida 1) Dawlad taag daran oo aan dad aqoon iyo khibrad u leh tiknoolajiyada lahayn 2) Musuqmaasuq iyo inay laaluushaan dadkii ama hay’adihii dawladda ee u xilsaarnaa hawshan 3) Dalkaas oo aanay ka jirin shuruuc lagu xakameeyo soo saarka, soo waarididda iyo adeegsiga tiknoolajiyadaha la falgala oo lagu qaato xogta khaaska ah ee qofka ama tan dadweynaha 4) Dalkaas oo aan lahayn ama hadduu jiro lagu dhaqmin shuruuc ilaalisa xogta khaaska ah ee shaqsiga ama dadweynaha sida hidda sidaha (DNA), saxiixa suul-saarka (finger-printing), sawirka indhaha (irisis – ama ratiinaha gunta dambe ee isha), kaameradaha wajiga dadka takoora (facial recognition), iwm. Soomaaliya inta badan sifooyinka waddamada caynkan ah ayay leedahay. Waxaa intaas u dheer wacyiga guud eee dadwaynaha oo la dhihi karo wuu hooseeyaa gaar ahaan markay timaaddo arrimahan oo kale.

Waxay kale oo shirkadaha ka baayacmushtara tiknoolajiyadaha caynkaas ah ku beer-laxawsadaan dalalka caynkaas ah in ay ka caawinayaan ka hortagga khiyaamooyin la xiriira doorashooyin ama raashin qaybin, ama lacag mushaira, iwm. Tusaale ahaan xilliyada doorashooyinku jiraan, waxay tiknoolajigooda ku suuq-geeyaan in ay dalkaas ka caawinayaan inaan doorashada la khiyaamin ama lagu shuban (election fraud). Xaqiiqadu waxaa weeye, sida dhawaan meelo ka mid ah Somalia ka dhacday, in xogtii dadweynahana la aruursado oo ay shisheeye gacanta u gasho doorashadiina lagu shubto (lose-lose situation).
Waxaa muuqata inaan laga taxadarin markii horeba ama la la tixgalin fraud ka technolajiyadda lagu samaynayo. Ma aha run in hay’ad walba oo bani-aadannimo ama shirkad kastoo ka ganacsata tiknoolajiyada ay doonayaan inay xogtaas qaataan laakiin qaar badan ayaa ujeddadoodu saas tahay. Khayr wax kaama dhimo ee shar u tooghay iyo taxaddar weeye deedna.

DUNIDA HORUMARTAY DOORASHO UMA ADEEGSATO


Waxay tahay inla is waydiiyo, dawladaha farsamada iyo tiknoolajiyada ku horumaray, sida kuwa reer galbeedka oo iyagu sooba saaray tiknoolajiyadaha noocan ah, ma u isticmaalaan doorashooyinkooda? Jawaabtu waa maya. Tusaale ahaan in badan Yurubta galbeed wali qalin rasaas ama qalin koobbi ayaa lagu codeeyaa tiiyoo qofku xaashi isku tillaab ku hor dhigo qofka ama xisbiga uu u codaynayo ama mayee computer tuujinayo laakiin aan indho iyo gacmo midna laga sawirin.

Maxay ugu isticmaali waayeen? Intaan su’aashaas laga jawaabin, ogow waddamadaani farsamada ku hormaray inay 1. Aqoon sare ayay u leeyihiin tiknoolajiyada 2. Shuruuc adag oo xakamaysaa u taal 3. Musuqa waa lala dagaallamaa 4. Shuruuc gaar ah oo xakamaysa ururinta, kaydinta, adeegsiga, iyo isu-gudbinta xogta khaaska ah ee shaqsiga ayaa jira (privacy laws).
Intaasoo jirta,haddaan jawaabta usoo noqonno, haddana dalalkaasi wayku kalsoonaan waayeen ama isku aammini waayeen adeegsiga tiknoolajiyadan maaddaama aan cidina dammaanad qaadi karin inaan xogtaas la aruuriyay aanay gacan khaldan galayn oo si khaldan loo adeegsanayn. Si kasle haddii loo dhigo, dhibkeeda ayaa dheefteeda ka badan. Deedna taxaddar awgiis (precautionary principle), dhinac baa la iska dhigay in badan.

XAALADDDA SOOMAALIYA IYO MUSTAQBALKA


Soomaaliya waxaa la quuddarraynayaa in doorashooyin ka dhacaan, noocay rabaan ha noqdeene, sannadka soo socda 2020 haddii Alle idmo. Sidoo kale Dawlad Goboleedyada qaar ayaa qorshaynaya inay mustaqbalka dhaw doorashooyin maxalli ah dadkooda u diyaariyaan.

Dadka Soomaalidu aad aalaaba uguma baraarugsana dhibaha ka iman kara xogtaada oo la xado oo si xun loo isticmaalo. Shucuubta adduunku maanta waxay meel walba u dagaallamayaan xifdinta iyo xagsashada xogtooda khaaska sida sawirradooda, kuwa carruurtooda iyo qaraabadooda, ciwaankooda, xogta qoyskooda, xogta caafimaadkooda, iwm iskaba daa inay oggolaadaan in si sahlan xogta hodda sidohooda (DNA) lagu qaato e. Ama astaamaha wajigooda ama sawirka indhohooda. Tusaale ahaan, maalmahaan waxaa wararka adduunka laga dheehanayay in dadweynaha mudaharaadyada ka samaynaya Hong Kong ay si gaar ah u beegsanayaan oo si carol eh xididdada ugu siibayaan kaameradaha qabta oo takoora wajiga dadka. Waa dad aad ugu baraarugsan khatarta arrimhaasi leeyihiin si ummaddu aanay ugu ekaan kuwo xabsi kor ka furan ku jirta (mass surveillance).

GUNAANAD IYO TALO-BIXIN KOOBAN


Ugu dambayn, hay’adaha Dawligaa iyo kuwa aan Dawliga ahayn ee Soomaaliyeed, Heer Qaran iyo Heer Dawlad Goboleedba, waxaa la gudboon inay taxaddar wayn iska saaraan arrimahan. Baarlammaannaada waxaaa waajib ah inay soo saaraan shuruuc xakamaysa soo waarididda, adeegsiga iyo ka ganacsiga tiknoolajiyadahaas iyagoo aan wax dammaanad ah loo hayn (tiiyooba ay adagtahay in loo helo). Sidoo kale Baarlammaanada soomaalida waa inay soo saaraan shuruuc difaacaysa xogta khaaska ah ee muwaaddiniinta. Sidoo kale meelaha hadda laga isticmaalo sida maddaarrada, ciidamada mushaharkooda, baasaboorrada, iwm waa in laga daba tagaa lana hubiyaa inay jirto dammaanad adag iyo qaab lagu xaqiijinayo bad-qabnimada xogtaas (safety and security of the collected and stored data). Waa in xogtaas cidaan aayn dadkii laga aruuriryay aysan yeelan karin (ownership).
Dawladda kaliya, heerkay rabto ha ahaatee, masuuliyaddu ma saarna ee hay’adaha aan Dawliga ahayn sida kuwa Bulshada Rayidka ah iyo weliba muwaaddin walba xil ayaa ka saran u qareemidda xifdinta iyo difaaca xogaha khaaska ah ee dadweynaha.

Waxaa qoray Dr. Bashir Mohamed Hussein (Facebook post 2019)

Sidoo kale akhri: China’s Reach Into Africa’s Digital Sector Worries Experts

4 1 Vote
Article rating

Leave a Reply

0 Comments
Inline feedbacks
View all comments

Translate »
0
We love your thoughts, please commentx
%d bloggers like this: